Somalia oo noqotay dalka 8-aad ee dhoofiya miro aad muhim uga ah suuqyada caalamka

0
Sesame field and beautiful flowers in Xigang, Tainan, Taiwan, close up, macro

(Muqdisho) 12 Agoosto 2021 – Safaaradda Britain ee Somalia ayaa sheegtay inay Somalia ka caawinayso sidii loo kordhin lahaa loona tayayn lahaa wax soo saarka Sisinta oo ay Somalia ka mid tahay dalalka kulaalaha dhaca ee soo saara.

Somalia ayaa ka mid ah 10-ka sare marka la eego dalalka Sisinta dhoofiya, iyadoo weliba boosaska ugu horreeya geli karta marka la eego kaalinta 8-aad ee ay haatan ku jirto ee misna xisaabta lagu daro xasaradda amaan ee dalka oo saamayn xun ku leh ballaarinta wax soo saarka, daabulka iyo horumarinta.

UK ayaa sheegtay in ay in ka badan 5,600 oo ah beeraleeyda Sisinta soo saara ay siiyeen tababar ay ku kordhiyeen wax soo saarka inta kiilo ee kasoo go’da halkii hekter oo awal ahayd 600 oo kiilo, balse haatan la gaarsiiyey 900 oo kg.

Somalia ayaan lahayn kaabayaasha muhimka ah u ah wax soo saarka ballaaran ee dhanka beeraha ee loo yaqaan high scale farmig, maadaama uu dalku muddo dheer muquuranayo dagaallo iyo khilaafaad micne darro ah.

Hadalsame Media