3 xeeladood oo CAJIIB ah oo ka dambeeya & 2 fashilaya tillaabada deg degta ah ee ay Madaxtooyadu qaadday!!

0

(Hadalsame) 07 Agoosto 2021 – War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in sida la yiri Madaxwaynaha oo ilaalinaya “waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeennu” uu soo saaray xeer hay’aadka dowladda u diidaya inay heshiis galaan inta lagu jiro marxaladda doorashada.

Yeelkeede, sida la fahmi karo dad badan ayaa qaba in tillaabadani aanay ahayn mid hanti iyo dal toona lagu difaacayee laga leeyahay 3 xeeladood oo siyaasadeed.

Waxaa taas muujinaya sida hawada loosoo geliyey war dacaayad u qaab eg oo ku saabsan in RW Rooble uu Kenya kala xaajoonayo arrimaha badda, taasoo aanu aqbali karin qofka fayow.

Waxaa kale oo lasoo qaadan karaa inaysan Villa Somalia arrintan ka daacad ahayn, waayo ma aysan sugin inta uu ka dhacayo kulanka la filayo, iyagoo markaa xaq u yeelan lahaa inay tillaabo qaadaan marka ay cadaato inuu RW Rooble heshiis galay iyo nooca uu yahay. Weliba waxay markaa heli lahaayeen taageerada shacabka oo buuxda.

Haddaba waa maxay seddaxda xeeladood ee ku dhex jira tillaabadan:

1 – Midda koowaad waa in lagu sumcad dilo RW Rooble oo loo sawirayo nin hantidii umadda u boobaya dal shisheeye.

2 – Waa in sumcad laga raadsado tillaabadan oo Madaxtooyada loogu ekaysiinayo dad u gurmanaya dalkii ama badbaadiyeyaal qaran haddii aad doonto, taasoo taageero looga raadinayo shacabka xilligan doorashadu socoto.

3 – Waa qodob soo jireen ah oo ku qotoma in la abuuro daraama dadka lagu madadaaliyo, si looga jeediyo arrin xilligaa taagan waana sunno siyaasadeed oo aad loo bartay sanadihii dambe. Arrinta markan oo kale taagan waa tillaabadii maanta lagu sameeyey guddi doorasho oo aysan u dhamayn siyaasiyiinta metelaysa Somaliland, marka daraamahan yari wuxuu duwanayaa dareenka dadwaynaha oo iskaga badan kuwo la jihayn karo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media