Kenya oo malaayiin lacag ah ku heshay la tacaalidda dhibaato Somalia uga timid & agab la siiyey (Ma aha midda aad moodayso!)

0

(Nairobi) 08 Agoosto 2021 – Kenya ayaa USD3 milyan oo doollar Bankiga Adduunka uga heleeysa maaraynta duullaanka ayaxa lama degaanka, iyadoo ay IGAD oo kaashanaysa Bankigu ay siinayso Sh326.4 milyan oo shilin muddo 3 sanadood ah.

Qorshahan ayaa ka mid ah gelinka 3-aad ee jawaabta deg degga ah ee la dagaallanka ayaxa (SSELRP) kaasoo lagu wado inuu socdo ilaa Agoosto 2024-ka.

Wakiillo ka tirsan hay’adda Cunnada iyo Beeraha QM ee FAO oo uu metelayo wakiilkeeda Kenya, Tobias Takayarsha, ayaa Kenya ku wareejiyey 6 gaari oo ah kuwa sahanka, 3 kale oo ah kuwa dusha ka furan oo ay ku rakiban yihiin agabka buufintu, hal helakabtar iyo 2 dayuuradood oo yar yar oo ayaxa ka cirib tiraya Ismaamulka Turkana County.

Sida ku qoran war kasoo baxay IGAD, hadafka guud waa is waafajinta howlaha la tacaalidda ayaxa ee Bariga Afrika, iyadoo dalal ay Kenya ka mid tahay ay wajahayaan duullaan ayax midkii ugu ballaarnaa muddo 70 sanadood ah, sida Mandheera laga soo sheegay 2019-kii.

Raxamo ayax ah ayaa kasoo gudbey xadka ay Kenya la leedahay Ethiopia iyo Somalia iyagoo deeto ku baahey 28 dal oo kale bishii Febraayo 2020.

Hadalsame Media