Maxaa ka socda daaha gadaashiisa? Nin la shaqaynayey Rusheeye Yare oo arrimo xasaasi ah soo bandhigay (Daawo)

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2021 – Nin magaciisa ku sheegay Daahir Axmed Cufow ayaa eed u jeediyey ninka lagu magacaabo Sheekh Cabdullahi Cumar Cabdi Dawle oo caan ku ah magaca Sheekh Rusheeye Yare kaasoo uu sheegay inuu shaqaalaha u gaysto tacaddiyo kala duwan.

Daahir oo hadlaya ayaa tilmaamay in uu la shaqeeynayey Rusheeye Yare, balse uu kasoo tegey markii uu la kulmay 3 arrimood oo kala duwan.

1 – Wuxuu mid ku sheegay in ay meesha ka shaqeeyaan ilaa 50 shaqaale ah oo haween u badan, balse haddii uu qof dembi galo la wada ganaaxayo kulligood oo 3 maalmood lacag la’aan ku shaqaynaya.

2 – Wuxuu sheegay in Sabti kasta shaqaalaha lagu khasbo in la Qur’aan saaro iyagoo aan taas codsan kaddibna taas lacag looga goosto Qur’aan saarkaas oo uu ku sheegay in biyo lagu rusheeyo.

3 – Wuxuu tan 3-aad ku sheegay arrin uu la yaabay oo isaga ku dhacday oo ah in mar ay is khilaafeen Rusheeye Yare oo ay isku maan dhaafeen arrimahaas hore lagu qanciyey in la aroosiyo oo guri loo dhigo, balse naag kasta oo uu gurigaa keenaba ay ka cararto midna ayba middi is gelisey, isagoo sheegay inuu sixir meesha ku jirey, sida uu yiri.

Waxaan isku daynay helitaanka Rusheeye si uu eedaymahan uga jawaabo, balse weli nooma suuragelin inaan helno.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media