Turkiga oo sharraxay muuqaallada miig is wada oo ay diyaarinayaan & howlaha uu qaban karo + Sawirro

0

(Ankara) 06 Agoosto 2021 – Turkiga ayaa soo bandhigay xogo dheeraad ah oo ku saabsan miigga bilaa duuliyaha ah ee diyaarinayaan kaasoo lagu wado inuu duullimaadkiisii 1-aad sameeyo 2023, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Bakar Makina.

Selçuk Bayraktar, oo ka qayb galay carwo dhanka hawada iyo dayuuradaha ah oo ay samaysay jaamacadda farsamada cirka ee Gebze Technical University, ayaa ka sheekeeyey mashruucan ballaaran.

Wuxuu sheegay in dayuuraddani ay samayn doonto howlo aad u fara badan oo ciidan sida weerarro istaraatiji ah, taageero cireed oo dhow (CAS), weerar gantaal, wiiqitaanka agaasinka cireed ee caodwga (SEAD) iyo burburinta daafaca cireed ee cadowga (DEAD).

Dayuuraddan oo duuli karta joog aad u sarreeya wuxuu cufkeedu dhan yahay 5,500 kg (12,125 oo rodol). Iyadoo xamaali karta hub dhan 1,500 kg. Waxay saacaddii jari kartaa 800 km iyadoo ku socota xawaare dhan 0.64 Mach oo ah inta ay guuxeeda ka dheerayso.

Bayraktar oo horay qayb uga ahayd farsamaynta F-35 balse laga cayriyey ayaa haatan sheegtay inay diiradda saarayaan samaynta dayuurado ka qiime yar balse wax ku ool ah oo iyagu is wada, taasoo Turkiga ka dhigaysa dalalka ugu sarreeya dhanka sancaynta dayuuradaha bilaa dayaarka ah.

Hadalsame Media