Kooxda Villa Somalia oo qorshe u dejisey Senetarradii maanta soo baxay (Maamullada Xildhibaannadooda lasii tirsanayo)

0

(Muqdisho) 02 Agoosto 2021 – Waxaa kaddib xulashadii aadka looga dayriyey ee Kismaayo xigtey mid aan waxba dhaamin oo ka dhacday Baydhabo, iyadoo ay labada doorashaba ka siman yihiin in lagu soo saaray Senetarro ay dad gaar ihi wataan, qaar kalena lagu reebay.

Waxaa haatan soo baxaya warar xog ogaal ah oo sheegaya in kooxda Villa Somalia ay guryo (apartments) oo lagu diyaariyey dhabarka dambe ee Habar Khadiijo la dejin doono 5-tii Senatar ee maanta kasoo baxay xulashadii Baydhabo.

Waxaa guryahaa lagu diyaariyey qolal camiran, telefoonno gaar ah oo la dhegeysan karo iyo xataa leh telefishinno, sida ay ilaha wargalka ihi u sheegayaan Hadalsame Media.

Xildhibaannadan ayaa dhinac laga tusayaa in la tirsanayo halka dhinac kale lala ciyaarayo duulaan maskaxeed si hoose loogu handadayo in lagu leeyahay abaal ah inuu yeelo wixii la faro haddii uu diidana ay cawaaqibi jireyso.

Xogaha aannu heleyno waxay sheegayaan in Xildhibaannada qaabkaa lagu wajahi doono ay ugu horreeyaan kuwa KG Somalia iyo kuwa Somaliland oo la doonayo in codadkooda ceeriinka lagu helo.

Dhanka kale, RW Rooble oo la caddeeyey inuu si toos ah ula shaqeeynayo kooxda Villa Somalia ayaa ku adkaysanaya inuu isagu go’aamiyo aayaha Xildhibaannada Somaliland, isagoo goor dhowayd soo saaray Warqad uu ku dalbanayo inay kasoo qayb galaan shir uu berri u qabanayo.

Sida ay ku bilowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ee DF Somalia oo markii horeba gacanta loo geliyey dad yar oo ah madaxda Maamullada, ayay dad badani ku tilmaameen boorsamiindo lagala dhex bixi karo halka ay ku dhamaan doonto doorashada madaxtinnimada dalka oo ah musuq qaawan oo aad uga foolxun kuwii lasoo arki jirey.

Hadalsame Media