Turkiga oo howlo cusub u adeegsadey daroonnada casriga ah ee uu soo saaro + Sawirro

0

(Ankara) 02 Agoosto 2021 – Turkey ayaa cududdiisa iskugu gaynaya dagaalka uu kula jiro dab-kaymaadka halkaa ka holcaya kaasoo dambas ka dhigaya degaanno badan oo dhaca koonfurta dalkaasi.

Waxaa halkaa loo diray dayuurado kala nooc ah iyo gaadiid dhuleed dabka daminaya, balse waxaa haatan ku biiray xitaa daroonnada uu Turkigu sameeyey (UAVs) oo dabka la tacaalaya.

Laba ka mid ah daroonnada maxalliga ah ee Bayraktar TB2 iyo Aksungur ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaya dab-daminta, sida uu sheegay Guddoonka Wershadaha Qalabka Ciidanka Ismail Demir oo tweet gareeyey in shaqaale uu dab kusoo socdey ay arkeen daroonnadu kaddib sidaa lagu badbaadiyey.

Daroonnada ayaa ka qayb qaadanaya howlaha ogaanshaha, xakamaynta iyo xitaa daminta dabka, iyadoo Wasaaradda Dhirta iyo Beeraha Turkiga la siiyey ilaa 9 daroon oo haata ka qayb gelaya daminta magaalooyinka Manavgat iyo Marmaris, oo uu dabku ugu daran yahay.

Daroonka Bayraktar ayaa gaari kara joog dhan 27,030 oo cagood isagoo hawada ku jiri kara 24 saacadood isla markaana xambaari kara canaab dhan 330 rodol, habeen iyo maalinna wuu shaqayn karaa oo meel sare ayuu wax ka arkaa isagoo abuuraya sawir 3D ah oo fasiix ah.

Aksungur, oo ay dhistay TAI wuxuu qaadi karaa 1,654 oo rodol isagoo gaari kara joog dhan ilaa 40,000 oo cagood, isagoo maalin dhowayd rikoodh cusub dhigay markii uu hawada ku jirey 49 saacadood oo xiriir ah.

Hadalsame Media