Ilhaan Cumar oo u codeeysay sharci Israel lagu siinayo KAALMO aanay shuruudi ku xirnayn oo 3-bil kahor diiddanayd

0

(Washington, DC) 02 Agoosto 2021 – Xildhibaannada labada aqal ee Maraykanka ayaa u codeeyey deeqda aan shuruuddu ku xirnayn ee ay Washington $3.3 bilyan oo doollar ku siinayso Israel.

Waxaa ugu yaab badan in wakiillada Dimoqraadiga ee Ilhan Omar, Ayanna Presley, Lee Bowman iyo Pramila Jayapal ay ka hor jeesteen saaxiibbadood Rashida Tlaib, Alexandria Ocasio-Cortez iyo Cori Bush iyagoo u codeeyey meel marinta deeqdan oo cod yar ku gudubtey.

Kooxda la magac baxday “The Squad”, oo ah isbedel doon wada gabdho ah ayaa magac ku samaystay inay yihiin dad aad u dhaliilsan siyaasadda gurracan ee Israel, iyagoo weliba horay usoo jeediyey in la hakiyo deeqda noocan ah ee aan shuruuddu ku xirrayn oo ay dhowr toban sanaale bixinaysey Washington.

Yeelkeede, waxaa haataan taageeray laba ka mid ah gabdhahaasi oo kala ah Ilhan Omar, iyo Ayanna Presley, taasoo keentay in uu 5 cod ku gudbo sharcigan oo ay haa ugu codeeyeen 217 xildhibaan, halka ay 212 kale diideen.

Bishii Abriil unbay ahayd markii Omar iyo Tlaib ay ku biireen xildhibaanno Dimoqraaddi ah oo keenay xeer lagu doonayey in shuruud lagu xiro deeqda Israel sababo la xiriira ku tumashadeeda xuquuqul insaanka iyo waxyeellada carruurta Falastiin iyo qoysaskooda.

Ilhaan ayaa sidoo kale ku jirtey xildhibaanno isbeddel doon ah oo raadinayey in la baloogo lacag dhan $735 milyan oo doollar oo hub loogu iibin lahaa Israel taasoo uu ogolaaday maamulka Joe Biden maalmo uun kahor duqaymihii 11-ka maalmood ka socdey Marinka Gaza.

Lama oga waxa haatan geddiyey moowqifka Ilhaan oo marar badan lagu xanto go’aamo aan joogto ahayn ama is burrinaya.

Hadalsame Media