”Somalia ka bixi mayno Itoobiyana waan faragelinaynaa!” – Abaanduulka Ciidanka Kenya

0
(Nairobi) 29 Luulyo 2021 – Ciidamada Kenya ee Somalia ayaa sheegay inaysan mar dhow Somalia ka bixi doonin, sida uu xaqiijiyey Abaaduulka Ciidamada Xooga Dalkaasi, Jeneraal Robert Kibochi.
Ninkan oo la hadlay KBC, ayaa sheegay in Somalia aysan weli ahayn dal xasilloon ciidamadooduna ay weli taageeraan kuwa AMISOM, isagoo dhanka kale sheegay inay Midowga Afrika kala iyo QM kala hadlayaan in sidoo kale la farageliyo dagaalka sokeeye ee Itoobiya oo uu ku sheegay dal istaraatiji u ah iyaga.
“Ethiopia waxay noo tahay istaraatiji dagaalka ka socdaana walaac buu nagu hayaa. Waxaannu arrintan lasoo qaadnay QM iyo saamileeyda kale si loo farageliyo,” ayuu soo jeediyey.
“Weligeen joogi mayno Somalia, balse waxaan kaliya tegeynaa marka aan ujeedkeenna gaarno.” ayuu yiri.
Kibochi ayaa ku faanay inay furteen 14 meelood oo ay horay u xukumi jirtey kooxda Al Shabaab isla markaana ay caawiyeen dadka ku nool Kismaayo. Dhoobley iwm, isagoo sidoo kale dafiray inay ku lug leeyihiin dhoofka dhuxusha sharci darrada ah ee laga diro Kismaayo.

Hadalsame Media