Ingiriiska & Kenya oo heshiis aan Somalia u danaynayn London ku galay xilli uu halkaa joogo RW Rooble

0

(London) 29 Luulyo 2021 – Kenya iyo UK ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo 5-sanadood ah kaasoo taageero millateri lagu siinayo dalka Kenya sida ay sheegeen Wasiirka Gaashaandhigga UK, Ben Wallace iyo dhiggiisa Kenya, Dr Monica Juma oo heshiiska London ku kala saxiixday.

Heshiiskan oo lagu magacaabo Heshiiska Iskaashiga Difaaca (DCA), ayaa lagu sheegay mid ay labada dal iska kaashan doonaan furumo wadajir ah sida amaanka Bariga Afrika, sida la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Waxay labada dal iska kaashanayaan xeelado lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, sida xog wadaagga iyo in lagu bartilmaameedsado cunaqabatayn si looga hor istaago qorashada ciidamo cusub, tababarro iyo agab ciidan.

Dr Monica Juma ayaa sheegtay in wada hadal labada dal yeesheen inay heshiiskan ku gaareen taasoo labada dal ka dhigaysa amaan, iyadoo tilmaantay in ay labada dal leeyihiin xiriir soo jireen ah, halka ay Kenya booqdaan 180,000 oo dalxiis British ah sanadkiiba.

UK ayaa sanad kasta diyaarin doonta 1,100 askari Kenyan  ah si loogu diro Somalia muddo 5 sanadood ah oo soo aaddan, iyagoo isla samayn doona ilaa 5 dhoollatus oo ay ka qayb qaadan doonaan 750 askari oo Kenyan ah iyo 5,000 oo British ah.

Heshiiskan ayaa sida muuqata wuxuu ka duwan yahay qorshihii hore ee ahaa in ciidamada Somalia lagu wareejiyo amaanka dalka, waloow ay khaladka qayb ahaan leeyihiin hoggaanka iyo madaxda Somalia oo aan weli la imanin siyaasad micne leh oo ka badan in kursi lagu hardamo ama umadda lagu mashquuliyo doorashooyin magac u yaal ah oo aan xambaarsanayn wax isbeddel ah oo sidaa u ridan.

Heshiiskan ayaa sidoo kale imanaya xilli RW Somalia uu joogo UK, kaasoo lagu mashquuliyey shir ku saabsan waxbarasho aysan Somalia wax ajende ah ku lahayn, iyadoo caadiyan reer Galbeedku ay aad uga caga jiidaan in la hubeeyo ciidamada Somalia, waloow ay eedda 1-aad leeyihiin madaxda Somalia.

Hadalsame Media