Somalia oo dhismihii dowladnimada kusoo koobaysa doorashooyin khiyaali ah (Qodobbada laga ilduufay)

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2021 – In la yeesho dawlad-qarameed, waa arrin u taalla shacabka Soomaaliyeed KELIYA.Shisheeye wuxuu kugu caawin karaa keliya dawlad-dhisid (state or government building):- nidaamyada, tababarrada, sharciyada, xeerarka, dastuurada, afkaarta iyo dhaqaalaha la xiriira Dawlad-wanaagga (i.e. Good Governance), iwm. waase marka ummadda dalkaasi ku nooli aysan colaadi ka dhaxayn, welibana aysan ka lumin ama baddalmin haybtoodii qaranimo (national identity) oo aysan noqon beel beel.Caawinaadda shisheeyaha, waxaa ka horreysa oo saldhig u ah, in marka hore ay Soomaalidu dhisato qalfoofka, haykalka, kaabadaha IYO CUDUDDA aysan shisheeyuhu kuu dhisi karin.

Macnihii dawladnimaduba wuxuu ku soo ururay doorashooyinkaas khayaaliga ah. Waxaa laga kaaftoomay macnihii; hawlihii; qaybihii; ujeeddooyinkii; awoodihii iyo dawrarkii ay Dawlad-qarameed lahaan jirtay.

Ma jirto dawlad Soomaaliyeed oo awood leh oo dalkoo idil ka talisa;

– Ma jiraan kaabadihii (i.e. infrastructure) dawladi lahaan jirtay;

– Ma jiraan kaabadihii bulshada (i.e. social infrastructure) sida dugsiyadii, guriyayntii, isbitaaladii dalkoo idil:

– Ma jiraan kaabadihii dhaqaale sida waddooyinka, isgaarsiinta, dhuumaha-biyaha &qashinku maraan (sewage), biyo-gelinta, gegiyada diyaaradaha, tamarta iwm. dalkoo idil;

– Ma jiro ciidan qarameed (National Army), lamana hayo habkii iyo jidkii lugu gaari lahaa;

– xasilooni (stability), amni (security) iyo nabad (peace) toona weli dalkii kama jiraan;

– dalkoo idili waa wada hubaysan yahay;

– weli lama diyaarin sidii loo qaban lahaa gogol-qarameed ee dibu heeshin (national reconciliation conference) – iyadana waxaa shardi u ah inuu jiro sharciga wax lugu xukumo (rule of the law) iyo ciidam qarameed – midkoodna weli lama hayo.

Soomaaliya waxay si dadban u noqotay maxmiyad ay leedahay qaramada midoobay (UN-Protectorate) iyo NGO ay beesha caalamku iska maamushaan.

Shisheeye fara badan oo isugu jira muslin & gaalo iyo Caddaan, Huruud & madow, baa faraha nugula jira. Qaar qorshahoodu yahay in Soomaaliya ay weligeed sidaas ahaato amaba ay u kala jajabto dawlado yaryar (Mini States) iyo qaar danaynaya oo usoo malabsanaya inay ka faa’idaystaan oo gurtaan khayraadka (bad & berriba), ka hor inta aysan Soomaaliya dib u yeelan dawlad madax bannaan oo awood leh oo dalkoo idil ka wada talisa.

HADDABA

Waxaan maanta haysannaa fursad dahabi ah oo aan KELIGEEN (i.e. Carab & Cajam la’aan) dib ugu yagleeli karno Dawladnimadii iyo Qaranimadii aynu iska burburinnay.

Ilaahay idankiis, waxaa gabagabo ku dhow dhammaystirka iyo soo bandhigidda naqshaddii ama jaangooyadii loo adeegsan lahaa dibu-dhiska Aqalka amaba QASRIGA (i.e. Dawlad-qarameedka) Somalia.

NAQSHADDU waxay saldhig u tahay qaabka aan ku gaari lahayn noqoshada QARAN casri ah oo aan marna dheelliyin, duufaan kastoo haleesha, Ilaahay idankiis.

Qaran ay marjiciyaddiisu tahay DIINTEENNA suubban ee ISLAAMKA, SOOMAALINIMO iyo weliba Cilmiga iyo Ilbaxnimada – intooda aan ka hor imaanayn diinteenna, dhaqankeenna iyo HAYBTEENNA SOOMAALINIMO.

*****

Haddii aynu maanta is daba qabanno oo aan si dal-jacayl ah (i.e. patriotic) ugu dhaqaaaqno badbaadinta dalkeenna; Haddii aynu isla fahanno inaan cudurka qabyaaladda la wada bukno oo aan daawo u wada baahan nahay; Haddii aan isku hadaf iyo mabda’ noqonno, oo aan DIINTEENNA, si KAAMIL (i.e. dhammaystiran) ah ugu dhaqanno, oo aan tafaraaruqa ka dayno –

1 – Waxaa dhici lahayd, inaynu ka xorowno ururada ku adeegta samafalka, IMF, World Bank & Beesha Caalamka oo idl;

2 – Waxaa dhici lahayd in Soomaaliya ay noqoto dal madax-bannaan oo awood dhaqaale, mid wax-soosaar iyo mid ciidanba leh oo aan xubin ka ahayn Midowga Afrika (AU) iyo Jaamacadda Carabta (Arab League), balse la wada leh heshiisyo laba-geesoodyo ah (Bilateral Agreements), sida dalka Switzerland oo ku dhexyaal qaaradda Yurub, uusan xubin uga ahayn dalalka ku bahoobay Midowga Yurub (EU) – keliya ay Soomaaliya xubin buuxda ka sii ahaato 56ka dal ee ku jira Ururka Iskaashiga waddamada Islaamka – Organisation of Islamic Cooperation OIC;

3 – Waxaa dhici lahayd in Soomaaliya ay muddo yar keddib, ka mid noqoto dalalka siman ee beesha Caalamka (i.e. equal members of the international community);

4 – Waxaa dhici lahayd in waddamada deriska nala ahi ay dalkeenna shaqo ka soo raajicin lahaayeen;

5 – Waxaa dhici lahayd in qurbajooggu dalkoodii ku soo noqon lahaayeen;

6 – Waxaa dhici lahayd in laga badbaado saamaynta dhaqamada iyo caadooyinka xunxun ee reer galbeedka;

7 – Waxaa dhici lahayd…; waxaa dhici lahayd…; waxaa dhici…; waxaa…; wax…… Yaa dhammayn kara!!!

*****

– Ilaahow qabyaaladi waa hooge, QARAN sal adag naga yeel

– Ilaahow waalidiinteen u wada naxariiso

– Ilaahow Awlaadda noo badbaadi

– Ilaahow adduunkana camal wanaagsan, khayr iyo khaatumo san, aakhirana Janno.

– Ilaahow naga yeel, kuwii si raganimo iyo Islaanimo leh u wada hadla, gogoldhigta, kala gar qaata, keddibna HESHIIYA.

– Ilaahow naga badbaadi cudurrada halista ah, kuwa faafa iyo kuwa aan daawada lahayn sida Coronavirus iyo noocyadiisa kala duwan.

Aamiin yaa Rabbi.

Waxaa Qoray: Xaashi Y. Cusmaan

Hadalsame Media