Arrin gunnimo ah oo ay Soomaalidu ka waddo baraha bulshada (Bal akhri waxa ninkan lagula kacay)

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2021 – Aniga aqoon malihi awood aan xamaali ku gali karo ma haysto oo waxaan ahay qof naafo ah oo afkiisa wax ku dhacsado. Hooyo iyo Aabbe iima joogaan, caruurteyda waxaan kuu biilaa wixii aan ka helo Youtube-keyga.

Waligey qof ma dulmin ma caynin lama dagaalin, qofkii aan arko waa la saaxiibaa qof i dhaho sawir ayaa kula galaa kama diidi, qofkii i dhaho muuqaal ila duub kama diido oo waxa aan u sameyaa wixii u rabo. Muuqaaladeyda waxaa u fasaxaa qof walba oo jecel oo raba in soo galiyo baraha Bulshada.

Muuqaal aan maalmo ka hor ugu dabaal dagaayay boqol kun(100,000) oo subscribe ayaa soo galiyay youtube-keyga waxaana iisarnaa cod yar oo music ah, qof aan aqoonin ayaa iga xirtay copy right. Hadda muuqaalkii iima shaqeynayo lacagta aan ka heli lahaa qofkii copy right ku xirtay ayay u dhacee. Haddii uu idhihi lahaa cod music ka qaad anaa iska leh mar horaa ka qaadi lahaa, si lamid ah waxaa muuqaal yar oo aan ku xayeysiinayay shirkadda The Blue Star oo aan ka sugayay lacag yar, dad ayaa iga gudbiyay Report muuqaalkiina sidaas ayaa looga saaray Youtube-keyga.

Vidio-gii ugu dambeyay aan Tiktok-keyga soo galiyay dad ayaa Report iga gudbiyay. Maxay ka faa,idayaan Tiktok meel lacag lagu helaayo ma aha. Qofkii aan Vidio-gii u xayeysiinayay wuxuu i dhahay maxaa ugu bixisay muuqaalka Tiktok-kaada, aniga waxaa ku iri kama bixin ee dad ayaa report iga gudbiyay sidaas ayaa looga saaray Tiktok-keyga. Walaalayaal ani dad xaasid kuma ihi dadna ma necbani, haddey jiraan kumaanaan ineceb, waxaa jira kumanaan ijecel inta ijecel ayaa iga badan ee xaasidnimada iga dhaafa”.

Baaba Jeey ma mudna in la dhibaateeyo ee wuxuu dadkiisa ka mudan yahay iney garab istaagaan ama ugu yaraan ka xasdin kana xayirin wixii uu soo saarto, inkastoo aan ogahay iney jiraan dad kula heshiiyay shirkado iney u xiraan oo copyright u geliyaan heeso iyo codad aysan laheyn oo haddii lagu dacweeyo isla iyaga kusoo laabaneysa oo dhib weyn gaarsiin karta ee aan ka xishoono oo xushmeyno kuweena naafada ah wax dhib ahna nagu haynin walaalayaal.

Dadkii xayirey ama report gareeyay fadlan iska fasax walaalkiin Somaliyed & inta la midka ah.

Waxaa Qoray: Maxamed Deeyoow

Hadalsame Media