DF Somalia oo Ireland kala hadashay qodob istaraatiji ah oo muhim ah

0

(Muqdisho) 22 Luulyo 2021 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Coveney ayaa saaka soo gaarey magaalada Muqdisho iyadoo ay soo dhoweeyeen wasiirrada Gaashaandhigga iyo Dibedda DF Somalia.

Kulanka uu RW la qaatay ayaa waxaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub oo ay Ireland xubinta ka tahay.

Arrimaha la gorfeeyey waxaa ka mid ah doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM.

Waxaa kale oo lasoo hadal qaaday dib u eegista xayiraadda hubka ee muddada dheer saaran dalka Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Hadalsame Media