SAWIRRO: Ciidamo millateri ah oo si gaar ah u lebbisan oo saaka lagu arkay Garoonka Aadan Cadde + Ujeedka

0

(Muqdisho) 22 Luulyo 2021 – Waxaa saaka gegada caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu arkay ciidamo millateri ah oo si gaar ah u lebbisan oo ku sugan Garoonka.

Ciidamadan ayaa rigo sharafeed u samaynayey Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Ireland, Simon Coveney oo goor dhowayd ka degey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Waxaa Wasiirka halkaa uga hor tegey Wasiirradda Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibedda ugu qaybsan DF Somalia.

Wax faahfaahin ah oo dheeri ah lagama bixin ujeedka socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Ireland oo uu Madaxwayneheedu hadda kahor Muqdisho yimid xilligii dhamaadkii Dagaalka 4-biloodka, taasoo ahayd Mary Robinson.

Hadalsame Media