5 Madaxwayne oo Maraykan ah oo isku xiga oo arrin oo isku mid ah ka gaystey Somalia

0

(Washington, DC) 22 Luulyo 2021 – Shantii Madaxwayne ee ugu dambeeyey dalka Maraykanku hal arrin ayay ka sinnaayeen marka la eego dalkeenna Somalia: Inay wada duqeeyeen.

Waxaa dooddaa Maraykanka ka wada kooxaha muxaafidka ah ee ay Dimoqraadigu kursigii madaxnimo ka riteen, si ay u muujiyaan in aysan iyaga dhaamin, waloow ay hawada kusoo galeen inay isbeddel doon yihiin. Micnuhu se ma aha in muxaafidku ay leeyihiin annagaa Somalia uga naxariis badnayn.

Shalay ayay ahayd markii uu Joe Biden rikoodhkaa jebiyey oo uu noqday madaxwaynihii 5-aad ee Maraykan ah misna xiriir ah oo duqayn ka gaysta Somalia, isagoo horraantii sanadkanna noqday madaxwaynihii 6-aad ee xiriir ah ee Ciraaq duqeeya.

Madaxwaynayaashaasi waa Biden, Obama, Bush-ka yar, Clinton iyo Bush-ka wayn oo haatan geeriyoodey. Waa 3 Dimoqraadi ah iyo 2 Jamhuuriyiin ah.

”Fadlan ii sheeg sida doorashada Biden ay u tahay mid ”dhibka lagu yareeynayo.” ayay boggooda Twitter soo geliyeen dad u dooda xuquuqda aadanaha.

Weerarrada cireed ee Somalia ka dhaca ayaa inta badan ujeeddo ahaan ka dhan ah kooxda xag-jirka ah ee Al Shabaab, balse waxaa marar badan dhacda inay ku waxyeelloobaan dad rayid ah sida uu qirtay isla Maraykanku.

Hadalsame Media