”Waxaan la’nahay lacag balaayiin ah!” – Dowladda Kenya oo sheegtay inaan loo shubin lacag ay ka sugaysey dhanka Somalia

0

(Nairobi) 21 Luulyo 2021 – Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay inaan la siinin balaayiin shilin oo ay ka dhowreysey howlgalka ay ka waddo Somalia oo aan caadiyan wax faa’iido ah u lahayn dalka.

Sida ay faafisay Wasaaradda Kaydka Qaranka ee Kenya, waxaan Kenya loo shubin adduun lacageed oo dhan Sh2.58 bilyan oo shilin oo ah qaybtii ay ku lahayd Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Horay ayaa loo sheegay in la dhimayo lacagihii la siin jirey ciidamada AMISOM, iyadoo sidoo kale si gaar loo dhimay kuwa lagu bixinayey ciidamada KDF ee Kenya oo si iskood ah u weeraray Somalia kaddibna si mugdi ku jiro ugu biiray AMISOM, iyagoo si gaar ah u taageera MW Jubaland ee Axmed Madoobe, taasoo ka hor imanaysa sharciyadda AMISOM.

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale Somalia ka gaysta weerarro aan hoos tegin AMISOM, kuwaasoo ay waxyeellooyin badani kasoo gaaraan dadka shacabka, balse maamulladii kala dambeeyey ee Somalia ayaan arrintaa wax ku filan ka qaban, mar marka ay ka hadlaanna ujeedooyin siyaasadeed ka raadsada.

Hadalsame Media