Shacabka Maraykanka oo hal sabab darteed uga horyimid duqaymaha dib uga bilaabmay Somalia

0

(Washington, DC) 21 Luulyo 2021 – Maamulka Maraykanka ee Joe Biden ayaa markii ugu horreeysey duqaymo ka fuliyey Somalia tan iyo markii xilka loo dhaariyey Madaxwaynaha haatan Joe Biden 20-kii Jannaayo ee sanadkan.

Duqayntan oo loo adeegsadey dayuuradda is wadda ee daroonka ayaa laga fuliyey meel ka tirsan Gobolka Galmudug oo ay guluf dagaal ka wadaan kooxda Al Shabaab oo haatan lagu hayo weerarro rogaal celis ah.

Yeelkeede, shacbiga Maraykanka ayaa dood ka keenay duqaymahaas iyadoo ay qaar soo qaateen in Maraykanku u baahan yahay inuu lacagaas ku dhiso kaabayaashii daxalaystey, sida uu qabo Jackson Hinkle oo ah tebiye caan ka ah Youtube.

”Millateriga Maraykanku wuxuu Somalia duqeeyey markii ugu horreeysey mudd-xileedka Biden,” ayuu ku bilaabay Hinkle.

”Waa tillaabo sirgaxan oo ka imanaysa maamul si joogto ah noogu sheega in aad dawo loo wada heli karin dadka Maraykanka, la kansalay qaan siintii ardayda, iyo tillaabooyinkii wax ku oolka ahaa ee cimilada kululaanaysa oo ay ku sheegeen kuwo kharash miiran ah.” ayuu raaciyey.

Doodda ayaa halkaa kasii socotay, iyadoo uu mid kale soo qoray ”iska seexdo oo nabad ku lada maadaama aan Somalia duqaynay”, isagoo farta ku fiiqaya in horta wax laga qabto dhibka haysta shacabka Maraykanka.

Waxaa jirta arrin kale oo xiise badan, waana in dalal uu Maraykanku ugu horreeyaa ay diiddan yihiin in si wanaagsan loo qalabeeyo Ciidamada Xoogga Somalia, waloow ay sidoo kale jiraan siyaasado aragti gaaban oo ka imanaya dhanka Soomaalida oo taa lafteeda caawinaya.

Hadalsame Media

Facebook Comments