“Abaalkii ha illoobina!” – DF oo lahjad adag uga hadashay dilka iyo dhaca loo gaysanayo Soomaalida South Africa

0

(Muqdisho) 14 Luulyo 2021 – DF Somalia ayaa walaac wayn ka muujisay dhaca iyo boobka ka socda Koonfur Afrika oo lagu diley 4 qof oo Soomaali ah inta la ogyahay.

Soomaali kale ayaa lagu dhaawacay dukaanno ay lahaayeenna lagu boobay meelo kala geddisan oo ka tirsan Gobolka KwaZulu-Natal 72dii saacadood ee ugu dambeeyey.

“Somalia waxay Dowladda South Africa ugu baaqaysaa inay dedaal oo dhan iskugu gayso ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed si loo badbaadiyo naftooda, xoolohooda iyo xuquuqdooda,” ayaa lagu yiri qoraalka DF Somalia.

“Somalia waxay ku faanaysaa xiriirka soo jireenka ah ee ay la leedahay South Africa oo ay xilligii halganka u fidisey taageero dhaqaale, siyaasad iyo istaraatijiyad.” Ayay daba dhigtay.

Hadalsame Media