DAAWO: Atoore caan ah oo lagu haysto salaan uu u taagey MW hore Donald Trump

0

(Las Vegas) 13 Luulyo 2021 – Waxaa baraha bulshada wareegaya muuqaalka Mel Gibson oo salaan u haadinaya MW hore ee Donald Trump oo soo gelaya tartanka UFC, taasoo dood ka dhalisay Maraykanka.

Muuqaalka waxaa markii hore la dhigay TikTok Isniintii, xilli uu Trump soo gelayey T-Mobile oo u dhow Las Vegas si uu u daawado UFC 264, iyadoo la arkayo Gibson oo salaan u taagaya.

Dadka ayaa markii hore dood ka keenay in qofku Gibson yahay, balse muuqaallada ayaa si sax ah u muujiyey iyadoo sidoo kale la arkay atooraha oo meelo kale garoonka ka jooga isagoo sita isla dharkii.

Falka Gibson oo ah atoore Liberaal ah ayaa markiiba muran ka dhaliyey baraha bulshada, iyadoo ay dadka qaar sheegeen inaysan la yaabayn marka la eego taariikhda muran dhaliska badan ee jilaagan.

The crazy thing is, you didn’t even need to know why Mel Gibson was trending to know that he probably did something shitty.

Rest in hell to his dead career. pic.twitter.com/H8eMpA99dq

— BrooklynDad_Defiant! (@mmpadellan) July 12, 2021

Hadalsame Media