Gabar Soomaaliyeed oo taariikh ugub ah ka dhigtay magaalada Addis Ababa

0

(Hadalsame) 11 Luulyo 2021 – Saxarla Cabdullaahi Bahdoon, wasiiru dowlaha arrimaha Caafimaadka dowladda Federaalka ee waddanka Itoobiya ayaa inta la og yahay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xildhibaan loogu doorto magaalada Addis Ababa.

Waxa ay ku soo baxday xildhibaanka xaafadda Yeka ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo doorashadii bishii la soo dhaafay dhacday ay ku guulaysatay cod aqlabiyad ah.

Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku tartamaysay tigidhka xisbiga EPP ee talada haya kaas oo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah.

Waa qofma Saxarla?

Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku dhalatay magaalada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xukuumaddii ku meelgaarka aheyd ee EPDRF.

Aabaheed ayaa shan sanadood kaddib waxa uu u wareegay magaalada Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u rartay, sidaas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi.

Waxa ay ku soo kortay magaalada Jigjiga hasayeeshee inteeda badan waxa ay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarashadeeda sare ku qaadatay.

Saxarla

Xigashada Sawirka, Ethiopia MOH

Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas ugu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo laayahayba.

Waxa ay xiriiriye iyo fuliyaba u aheyd mashruuc kor loogu qaadayay dakhliga haweenka soo gala, mashruucaas oo ay fulinaysay hay’ad maxalli ah, markaas oo ay ku guulaysatay inay dhaqaale u soo xarayso hay’adda ayna xaqiijiso in haweenku ay helaan barnaamijyo lagu kobcinayo xirfadooda sidoo kalana lagu horumarinayo bulsho ahaan iyo karti ahaanba.

Dhanka kale waxa ay Saxarla wax ka qabatay oo ay horumarisay barnaamijyada nadaafadda iyo fayadhowrka bulshada iyadoo horumarisay caafimaadka iyo tallaabooyinka loogaga hortagi karo cudurrada.

Taariikhdeeda siyaasadda

2015-kii ayaa waxa ay ku biirtay golaha wakiillada Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, markaas oo laga soo doortay degmada Aw-Barre ee gobolka Faafan.

Shantii sanadood ee ay ka tirsanayd baarlamaanka federaalka ee waddanka Itoobiya, Saxarla waxa ay aheyd gudoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee baarlamaanka.

Dhanka kale waxa ay ka mid aheyd shanta xildhibaan ee dowladda Itoobiya ku matala baarlamaanka Afrika ee uu fadhigiisu yahay waddanka Koonfur Afrika.

2018-kii ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo markaas uun xilka la wareegay ayaa waxa uu Saxarla Cabdullaahi u magacaabay inay noqoto wasiiru dowladaha Caafimaadka si ay u hogaamiso isabadel lagu sameeyo barnaamijyada wasaaraddaasi.

Saxarla

Xigashada Sawirka, Ethiopia MOH

Doorashada Itoobiya: Abiy Ahmed oo ku guulaystay aqlabiyad wayn

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa uu ku guulaystay aqlabiyad wayn oo uu ka helay doorashooyinka dalkaasi ee dibka loo dhigay, waxaa sidaasi Sabtidii sheegay guddiga doorashooyinka.

Guddiga ayaa sheegay in xisbiga Mr Abiy ee Prosperity Party uu ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, shan meelood oo meel dalkaasi ayaanay doorasho ka dhicin dhibaatooyinka dhanka farsamada ah iyo ammaan xumo awadeed.

Doorashada ayaanay ka dhicin gobolka Tigray ee ay colaaddu ka taagan tahay, halkaas oo kumannaan kun oo qof ay ku nool yihiin xaalad macaluul ah.

Doorashooyin kale ayaa waxaa loo asteeyay in 6-da bisha Sibteembar lagu qabto deegaannada aanay doorashadu ka dhicin, hasayeeshee taariikh looma astayn doorashada gobolka Tigray.

Doorashada ayaa markii horaba waxaa dib loogu dhigay cudurka safmarka ah ee Covid-19 awadii.

REUTERS

Xigashada Sawirka, Reuters

Mr Abiy, oo ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu codbixintan ku tilmaamay “doorasho taariikhi ah oo loo dhan yahay”.

Xukuumad cusub ayaa waxaa la filayaa in la dhiso bisha Oktoobar. Sikata oo uu xaalku ahaadase, waxaa jira walaac laga qabo hufnaanta doorashada.

Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay ka cawdeen in baacsiga dowladdu ee saraakiisheeda uu hakiyay qorshihii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen doorashada.

Berhanu Nega ayaa sheegay xisbigiisu, Ethiopian Citizens for Social Justice, uu gudbiyay in ka badan 200 oo cabasho kaddib markii korjoogayaashiisii ku sugnaa dhowr gobol ay hor istaageen saraakiisha maxalliga ah iyo maleeshiyaadba.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media