Muqdisho oo ka mid ah magaalooyinka ugu sarreeya Afrika ee ay tagto Turkish Airlines (Yaa ugu horreeya?)

0

(Istanbul) 08 Luulyo 2021 – Shirkadda dayuuradaha Turkish Airlines ayaa tagta 53 magaalo oo Afrika ah iyadoo ka baxaysa Istanbul Airport sanadkan oo qura, taasoo ka dhigan inay hal magaalo ku kordhisey tiradii 2019-kii.

Taasi waxay ka dhigan tahay in meelaha ay tagto ee Afrika ay ka badan yihiin qaaradda dunida ugu ballaaran ee Aasiya oo ay 41 meelood ka tagto, waxaana meesha Afrika ugu horreeysa ay tahay Qaahira, Masar.

Yeelkeede, meelaha ay Afrika ka tagto ayaa waxaa kuwa ugu horreeya ka mid ah magaalooyin iyo dalal Muslim ah oo ay ku jirto Muqdisho, Somalia oo ka mid ah Top 10-ka.

Caasimadda Sinigaal ee Dakar (oo ay u marto via Banjul oo Gambia ah ama Nouakchott oo Muritania ah, taasoo ku xiran maalinta): 744 – Khartoum: 730 – Mogadishu ( oo ay u marto via Djibouti): 704 midkiiba – Lagos: 691.

Hadalsame Media