Maamul-goboleedka Puntland oo saanad muhim ah siiyey dhiggiisa Galmudug + Ujeedka

0

(Gaalkacyo) 08 Luulyo 2021 – Maamul-goboleedka Puntland ayaa saanad muhim ah oo shidaal iyo raashin ah ka kooban ku wareejisay dhiggeeda Galmudug ee ay deriska yihiin.

Saanaddan ayaa looga gol leeyahay in loo kaashado la dagaallanka kooxda Al-shabaab oo haysata qaybo ka tirsan degaannada ku magacaaban Galmudug, degaanno cusubna soo hujuuntey.

Tillaabada ay Puntland qaadday ayaa qayb ka ah heshiis iskaashi dhanka amaanka ah oo ay kula jirto Maamulka Galmudug kaasoo dhigaya n ay iska taageeraan dhinacyada amniga.

Waa wax caadi ah in ay maamullada federaalka ihi is caawiyaan oo isu gurmadaan, waloow federaalka Somalia uu inta badan diiradda saaro dhinaca khilaafyada iyo murannada siyaasiga ah, kuwaasoo sii dila midnimada iyo iskaashiga umadda.

Hadalsame Media

Facebook Comments