“Waa fal waxashnimo ah!” – Siyaasi reer Awdal ah oo cambaareeyey dilka ardaygii dhiganayey Camuud

0

(Muqdisho) 05 Luulyo 2021 – Sanetor Ayuub Ismaaciil oo ka tirsan Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia, lagana soo doorto gobolka Awdal ayaa ka hadlay wiilka lagu toogtey Jaamacadda Camuud:

“Waxaan cambaaraynayaa falka waxashnimada ee ciidamada Police-ka Somaliland ku dileen arday kabtirsanaa Jaamacadda Camuud oo lagu magcaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim. Dilkaasi waxa uu muujinayaa bahalnimada maamulka Hargaysa,” ayuu yiri Senetarku.

“Dadka reer Awdal waxaa loo dhibaataynayaa Soomaalinimadooda iyo inay ka aragti duwan yihiin maamulka Somaliland. Waxay muujiyeen oo qudha rabiraankooda iyo dareenkooda wadaninimo, waxana loo cadaadinayaa ee loo laynayaa in la han jebiyo oo meesha laga saaro doonitaankooda iyo inay xorriyad helaan.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka reer Awdal inay midoobaan oo ka horyimadaan ficilladan lagu bartilmaameedsanayo sharafkooda iyo jiritaankooda. Waa in dadka reer Boorama iyo guud ahaan Reer Awdal ay ka dhiidhiyaan tacadiyada waaweyn ee sii kordhaya maalin ba maalinta ka danbaysa.

“Ugu dambayntii waxaan tacsi u dirayaa qoyska wiilka la dilay iyo guud ahaan shacabka murugaysan ee reer Boorama.” Ayuu warkiisa kusoo koobay Senetarku.

Wiilka yar ayaa la sheegayaa inuu ku lebisnaa dharka Xulka Somalia oo laga sameeyey midabka Calanka Somalia.

Yeelkeede, Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa beeniyey warkaasi, waloow aanay jirin il 3-aad oo arrintaa ka hadashay.

Hadalsame Media