Sucuudiga iyo Imaaraadka oo ay ka tafatay (Arrinta ay isku qabteen & arrimo badan oo ay horay iskugu hayeen)

0
Saudi Arabia's Minister of Energy Prince Abdulaziz bin Salman Al-Saud speaks during a virtual emergency meeting of energy ministers from the group of 20 major economies on oil supply cuts to stabilise global markets hit by the coronavirus disease (COVID-19), in Riyadh, Saudi Arabia April 10, 2020. Saudi Energy Ministry/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES . NO ARCHIVES.

(Riyaad) 05 Luulyo 2021 – Wasiirka Tamarka Sucuudiga ayaa ku af-celiyey dalka ay ologga yihiin ee Imaaraadka Carabta oo ay isku hayaan wax soo saarka shidaalka ee dalalka ku midaysan OPEC+.

Isku dhacan naadirka ah ee labada dal dhexsaday ayaa imanaya jeer ay is khilaafayaan danaha dalalka shidaalka soo saara iyadoo lagu jiro waqti ay dunidu kasoo kabanayso saamaynta cudurka COVID-19.

OPEC+, oo ay ku jiraan dalalka shidaalka soo saara iyo ologgooda, ayaa Jimcihii u codeeyey inay wax soo saarka ku kordhiyaan 2 milyan oo fuusto maalintiiba min Agoosto ilaa Diseembar 2021, balse waxaa heshiiskaa ka hor yimid dalka Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa Axaddii sheegay inuusan si kama dambayn ah u diidanayn kordhinta wax soo saarka balse wuxuu dalbaday in la qabto kulan kale oo la iskugu miisaamayo kordhinta iyo jaritaanka wax soo saarka.

Ismariwaagan ayaa dib u dhigi kara in saliid dheeraad ah lasoo saaro si loo qaboojiyo baahida sii kordhaysa ee suuqa, iyadoo uu Wasiirka Tamarka Sucuudigu ku adkaysanayo in wax loo wado sidii ay ahaayeen 14 bilood oo lasoo dhaafay, taasoo uu sheegay in lagu caana maalay.

Labadan dal oo aad iskugu faraq xirtey xilligii ay Yaman iskugu tegayeen ayuu khilaafkoodu salka ku hayaa isla Yaman oo uu Imaaraadku ciidamadiisa kala baxay 2019-kii, iyagoo kala taageeray dhinacyo iska hor jeeda.

Sucuudiga ayaa sidoo kale doonaya inuu Imaaraadka ku ciriiriyo ganacsiga iyo dalxiiska si uu u samaysto ilo dakhli oo aan saliidda ku tiirsanayn, taasoo keentay inay biyo hoostood iska haraatiyaan Abuu Dabeey iyo Riyaad.

Hadalsame Media