MID AAN MACQUUL AHAYN! Maxaa Muqdisho ka dhacay Maalintii ”Xorriyadda” Qaranka?!!

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2021 – MAXAA MUQDISHO IGU QABSADAY MAALINTII XUSKA 61-GUURADA XORRIYADDA 2021?

Maalintii 1da Luuliyo la xusayay waxaan Muqdisho kula kulmay dhacdo aad iiga fajicisay, taasoo i gaarsiisay heer aan ku fekero in xuska maalintan uu gumeysi dib ugu celiyay dadka Muqdisho ku nool.

Fadlan aqri qoraalkan, kaddibna adiga qiimee, faa’iidada ay ku fadhiso xuska maalinta xorriyadda.

Maalintaas waxaa ii go’naa tikid aan uga duulayay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dadka qaar ayaa habeenkiiba isii cabsi geliyay oo igu yiri “berri waddooyinka oo dhan waa la xirayaa, waxaan ka baqaynaa in aad weyso jid aad garoonka u marto” Xoogaa maan-gal ayuu hadalkaas iila muuqan waayay, sababtoo ah waxaan rumeysan waayay in dad dhibaato loo gaarsiin karo si dad kale ay u farxaan.

SHEEKADII NA DHEX MARTAY ANIGA IYO WADIHII TAKSIGA.

Markii ugu horreysayba waxa uu igu yiri “Maanta waxaan qorsheystay in aan iska seexdo maadaama aysan jirin waddo la mari karo, haddana way ii cuntami weysay sababtoo ah qoys aan ku quudiyo waxa aan maalintaa soo shaqeeyo ayaa wax ay cunaan iga sugaya”

Wuxuu igu yiri hadal ay murti badan ku jirtay oo ahaa: “MAALINTA XORRIYADDA, DADKA MUQDISHO XORRIYADDA AYAA LAGA QAADAA” Waa hadal micno weyn xambaarsan, soona koobay faa’iidada iyo khasaaraha xuska 1da Luuliyo.

Waddadii ugu horreysay ee aan isku daynay in aan marno waa naloo diiday. Tii kale ee aan tijaabinnay sidoo kale. Isku-daygii saddexaadna wuu fashilmay.

Aniga ayaa iri bal aan la hadlo qofka horjoogaha u ah ciidamada isbaarada jooga. Dhaqankii aan kala kulmay ma ahayn mid ciidan ee wuxuu isoo xusuusiyay kii mooryaantii awoodda qoriga kaliya aaminsanayd.

Waxaan u sheegay in aan safar nahay oo diyaarad ay naga tageyso carruurna ay gaariga ii saaran tahay. Wuxuu igu yiri carrurtaada iyo safarkaaga waxba igama gelin ee meeshii aad ka timid ku noqo. Wagar!

QOF XANUUN HALIS AH QABA OO SI ARXAN LA’AAN AH LOOLA DHAQMAY.

Anigoo aan wali quusan, rabana in aan xoogaa lasii doodo, ayaa waxaa nasoo garab istaagay nin dhallinyaro ah oo muuqaalkiisa tabar-darro laga dheehan karo. Ninkii taliyaha isku sheegayay ayuu weydiiyay: “Dadka xanuunsan ma la sii deynayaa?” Adiga ma xanuunsanid ee iga kor tag ayuu ugu jawaabay.

Aniga hadalkaas aad ayuu iiga nixiyay waxaanan u arkay arxan la’aan iyo waddaniyad darro. Wuxuu mar kale yiri: “Walaaloow aniga waan xanuunsanahay, kalyaha ayaa la iga dhaqaa, waqtigii la ii dhaqayay ayaa la joogaa, haddii aan dhaafana nolosheyda halis ayay galeysaa” Intaas kumuu ekaanine wuxuu taabsiiyay gacantiisa oo uu qalab ku rakiban yahay. “Maxey yihiin waxa ka dhex gariiraya? Ayuu taliyihii ninkii xanuunsanaa weydiiyay, isagana wuu u sharraxay. Wax dhag ah jalaq umaanu siinin.

Aniga waxaaba wax aan la qaadan karin oo dhaqan mooryaan ah iila muuqday in qof dhoofaya oo tikid iyo baasaboor caddeyn ah isku sita la yiraahdo orod gurigaaga ku noqo. Laakiin markaan arkay sida bahdilka ah ee ninkan xanuunsan ee isbitaalka u socda ee haddii uu ka-dib-dhaco ay noloshiisu halis galeyso loola dhaqmay; teydii waxa ay ila noqotay wax aan micno lahayn oo aad u fudud.

QOF LACAG SITAA WADDO KAMA XIRANTO

Waxaa la yaab leh in waddooyinka “si amaanka loo sugo loo xiray” ay si fudud ku mareyso ciddii wax yar oo shilimaad ah u tuurta ragga taliyayaasha sheeganaya ee umadda waddooyinka ka xirtay.

Taksiilihii na siday ayaa igu yiri ninyohow waan arkaa in sheekadu ay xun tahay, haddii sidan uu xaalku ku sii socdana aad xaafaddiina ku noqoneysaan, carruurtaan yar yar ee haddaba rafaadayna kama bixi karaan, marka aniga aan isku dayo markayga. “Waa yahay” ayaan ku iri. Labaatan dollar ayuu farta ka saaray aniga oo arkaya.

BAABUURKAAN SII DAAYA!

Taliyihii dhamaa si xishood la’aan ah intuu u qaatay ayuu askartiisii ku yiri “Gaarigan sii daaya” Aniga billowgii waan naxay, oo waxaan is lahaa ninkan dadka hortooda lacagta lagu siiyay amuu idinku caroodaa oo uu yiraahdaa “Ma aniga ayaa laaluush qaata” Laakiin markaan dhiirranaantiisa arkay ayaan aniga xanaaqay.

Arrinta la yaabka leh waxa ay tahay, baabuurkeenna waxaa saaran boorsooyin waaweyn oo wax ku jira aysan ogeyn, iyaga oo aan la baarin ayaana nala sii daayay. Markaas ayaa waxaa la rabaa in la iga dhaadhacsiiyo waddooyinka waxaa loo xiray si amaanka loo sugo.

Arrintan waxa ay jawaab u noqoneysaa cid walba oo is-weydiineysay sababta uu qaraxu Muqdisho uga dhamaan la’yahay iyo sida qolyaha wax qarxiya ay ku gaaraan meel aanu qofka caadiga ah gaari karin.

Markaan soo dhaqaaqnay ayaan wadihii Taksiga weydiiyay maxaad intaas oo lacag ah u siisay? Wuxuu igu yiri 20-ka dollar wey jeexneyd, muddo ayaanan jeebka ku hayay oo cid ii sarrifta ama EVC iiga dhigta waan waayay, marka ninkii lug kaa gooya labada lugood ayaa laga gooyaa.

Laba Isbaaro oo kale ayaa nalagu celiyay oo iyagana aan farsamooyin kale ku marnay, ilaa aan ka gaarno garoonkii diyaaradaha.

Dadka xanuunsan ee isbitaallada u socda iyo kuwa safarka ah ee dhibaatada loo geystay waxaa ka badan kuwo aan sawirradooda arkay iyaga oo waddooyinka tuban oo loo diiday in ay carruurtooda nolol-maalmeedka usoo dhacsadaan. Sababtu maxay tahay? Kaliya waa madaxdii dalka ayaa gurahdooda kasoo baxaysa si xaflad niiko iyo heeso ah oo la sheegay in MAALINTA XORRIYADDA lagu xusayo ay uga qeyb galaan.

Waxaan yaqiinsaday in dadka Muqdisho ku nool aanay xorriyadda loo dabbaaldagayaba iyaga soo gaarin oo ay wali GUMEYSI ku jiraan.

Aniga maalin kaliya ayuu dhibkan i qabsaday, waxaanse ka xumahay in dad aad u faro-badan ay maalin walba tan oo kale iyo ka badanba ay ku dhacdo”

WALLEE MUQDISHOOY INTUU XAALKAAGU SAAN YAHAY KUUMA SOO XIISO!

DAL BA’OW YAA KU LEH.

Waxaa Qoray: Jacfar Kuukaay

Hadalsame Media