Warbixin kale oo NAXDIN leh oo kasoo baxday kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda Somalia (Madaxda sare oo ay lugta la gashay)

0

(Hadalsame) 04 Luulyo 2021 – Waa warbixin dheer oo argagax leh (57) bog, hal ku dheg looga dhigay (Kalluumaysiga sharci darrada ah ee soomaaliya iyo qabsashada hay’adihii dawladda). Wexey wadataa dokumentiyo iyo saxiixyo dawladda federaalka iyo dawlad goboleedka Puntland, iyo shirkado gaar loo leeyahay, oo ajnebi iyo soomaali isugu jira.

Wexey ku andacooneysaa: sida sharciddarada ah ee khayraadkii badda soomaaliya, oo weli dihin, loo boobayo, loona xaalufinayo, iyadoo tilmaameysa musuq maasuq baahsan, rukhsado sharci darro ah.

Maraakiib iyo doomo Iiraan, Korea, China, Thailand ah iwm oo baddeenna lagu fasaxay, nabarro xanuun badan oo loo geysanayo qarannimada ummadda Soomaaliyeed iyo khayraadkeeda, isla markaana farta ku fiiqeysa masuuliintii lagu aaminey qarankaas iyo khayraadkaas qaarkood oo iyagu arrintaa fududaynaya.

Haddaba warbixintaasu waxa ay xog halis ah soo bandhigtay oo ku andacootey waxaa laga rabaa in ay ummadda soomaaliyeed uga jawaabaan wixii ka jira iyo wixii aan ka jirin Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta, maadaama warbixintu tibaaxday masuuliin sare oo iyaga la shaqeeya.

Arrintu ma fududa, waxaase hadalku furanyahay markii dawladdeennu wax ka tiraahdo inshallahu. Allow na caymi.

Waxaa Diyaariyey: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media