Askar ka wada tirsan Booliiska Kenya oo isku xabadaysay duleedka Nairobi (Waxa ay isku hayaan oo yaab leh)

0
FILE PHOTO: Kenyan police officers drive in their truck as they arrive at the scene where explosions and gunshots were heard at the Dusit hotel compound, in Nairobi, Kenya January 16, 2019. REUTERS/Thomas Mukoya/File Photo

(Nairobi) 04 Luulyo 2021 – Laba askari oo Booliiska Kenya ka wada tirsan ayaa isku rasaaseeyey duleedka Nairobi, gaar agaan baar caan ah oo ku yaalla Jid-waynaha Thika Highway, Nairobi.

Warbixinta ayaa sheegaysa in ragga is xabadeeyey ay kala yihiin, Constables Festus Musyoka, oo ka tirsan Starehe DCI, iyo Lawrence Muturi oo ka tirsan qaybta Kasarani Petty Crime Unit oo qof dumar ah isku qabtay.

Yeelkeede, Taliyaha Booliiska Kasarani Sub-County, Peter Mwanzo ayaa meesha ka saaray inuu raggan dhexmaray 3-xagal jacayl ah, balse wuxuu ku adkaystay in khilaaf ka dhexeeyo oo ay baarayaan.

Warbixintu waxay sheegaysaa in Mr Musyoka uu bastooladda lasoo baxay oo uu deeto xabbad gacanta uga dhuftay Mr Muturi, kaasoo isna xabbad aarsi ah qoorta uga dhuftay Mr Musyoka, mid kalena si kama’ ah ugu dhuftay Ms Felistas Nzisa oo ubucda ka dhaawacantay.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro qof 3-aad oo shilkan ku lug lahaa oo ay baadi goobayaan.

Labada sarkaal oo ka wada qayb galay xaflad dhalasho ahayd oo uu dhiganayey sarkaal ka tirsan Kasarani Officer Commanding Station, ayaa hubkii laga qaaday haatan, iyadoo Mr Musyoka iyo Ms Nzisa loola orday Nehema Uhai Hospital, halka Mr Muturi loo qaaday Nairobi Hospital si loogu sameeyo dawayn takhsusi ah.

Hadalsame Media