Sida loogu kala dheereeyo xallinta MUSHKILADAHA & Sheekooyin dhacay!

0
Happy Young Woman Contemplating Over Gray Background

(Hadalsame) 05 Luulyo 2021 – Xallinta mushkiladuhu waxay qaadataa hanti iyo waqti badan. Waxaase jira dad meel aad u dhaw ka soo qabta xalka oo hibo u leh inay arrin murugsan si sahlan u maareeyaan.

1. Hooyo Soomaaliyeed ayaa lagu yiri wiilkaagii guursaday ayaa la xoolaynayaa ee waxaad keentaa tiro (100) ari ah. Islaantii boqolkii waa la batay oo qaylo iyo diidmo ayey keentay. Nin oday ah ayaa ku yiri bal haddaba annagaa isku noqonaynee adigu riyahana 50 ka soo saar idahana intoo kale. Islaantii waxay tiri “May markii hore sidaas wax iigu sheegaan”

2. Shirkad xafiiskeedu ku yaal dabaqa 50aad ayaa dadkii u imanayey dhibsadeen waqtiga ay wiishka (elevator) soo saaran yihiin oo aad ula dheeraaday. Injineeradii waxay sheegeen inaan xawaaraha wiishka wax lagu dari karin. Nin ayaa markii dambe u sheegay shirkadda in ay wiishka gudihiisa muraayad ku dhejiso. Inta dadku is fiirinayaan oo timaha iyo maryaha toostoosinayaan ayay soo gaarayaan dabaqa 50aad. Waaba haddaanay sii dhaafine.

3. Nin ayaa u soo martiyey reer ninkii ka maqan yahay xaaskuna wax yar oo ay ku meel gaarto keliya hayso. Waxay ninkii ku tiri caawa waxaan carruurta siisto xataa ma haysto oo kuma martiqaadi karo. Ninkii wuxuu yiri haddaba sidaas kaagama tegi karee anaa carruurta caawa casho siinaya oo dhagax ayaan idiin karinayaa. Wuxuu soo qaaday dhagax sulub ah.

Biyo iyo digsi uu islaantii ka qaaday ayuu dabka saaray uu dhagaxii ku riday. Islaantii oo yaabban ayaa daawasho u soo fariisatay. Xoogaa markuu saarnaa ayuu eegay oo yiri haddaan xoogaa budo ah heli lahaa. Islaantii ayaa la soo boodday budadii. Cabbaar kale markuu joogay ayuu yiri waxaa ka dhiman in yar oo milix ah. Sidii oo kale ayey ula soo boodday. Hadba wuxuu weydiiyo ayey u keentay ilaa uu wax casho noqon kara dhagaxii ku kordhiyey. Markii wixii bislaadeen ayuu dhagaxii iska tuuray oo intii kale reerkii ku casheysiiyey isaguna wax ka cunay.

4. Meelaha laga raaco tareenka hoos mara New York ayaa maalin walba waxaa lagala bixi jirey nalalka dusha oo dadku gacanta la gaari kareen. Way adkayd in la ilaaliyo waayo tuuggu isagoo boqolaal dad ah dhex taagan ayuu ilbiriqsi kula baxaa nalka markiina wuxuu fuulaa tareenka waana dhaqaaqaa. Nalalka oo dhan waxaa loo furaa bidix. Injoneer ayaa kula taliyey inay kuwoodii waxay ka dhigaan kuwo midigta u furma. Tuuggu inuu sii adkeeyo maahee ma furan karin. Sidaasaa lagu joojiyey dhibkaas.

Waxaa Diyaariyey: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media