HARGABKA CALOOSHA: Astaamaha lagu garto marka uu ku dhaco carruurta & dadka waawayn

0

(Hadalsame) 03 Luulyo 2021 – Haddi aad leedahay mantag iyo shuban waxa kugu dhacay durayga caloosha.

Calaamadahan waxa loo yaqaan english ahaan ama caafimaad ahaan gastroenteritis.

Marka caloosha iyo mindhicarradu ay ku dhacaan caabuq waxa badanaa loo aaneeyaa in ay sababtay bakteriya.

CALAAMADAHA LAGU GARTO.

-Si degdeg ah ayuu qofku u fuuqbaxayaa.

-Xummad.

-Qadhqadhyo joogto ah.

-Cassiraad joogto ah.

Caruurta yar yar iyo xanuunka gastroenteritis.

Haddii aad aragtid ilmaha ay ku dhacday xaaladan waxa aad ka eegysaa in maqaarkiisu uu qalalanyahay iyo in afku uu qalalanyahay.

Caruurta yar yar hadii aad ku aragtid hal calaamad oo kuwan kor kusoo xusnay ha udirin schoolka ee fadlan calaamadaas la tacaal .

Hadii ilmuhu uu ka yaryahay muddo 5 sanno ah fadlan hakula degdegin daawooyinka mantagga joojiya iyo shubanka .

MAXAA SABABA.

-Waxa ugu badan ee sababaa waa fayraska loo yaqaan rotavirus.

-Haddii uu qofku uu leeyahay xanuunada uu fayrasku uu sababo .

-Cunto aan nadiif ahayn ,cuntadaas waxa ay noqon kartaa cunto inbadan meel taalay ,cuntooyinka afka banaan , cuntooyinka ay diyaariyaan dadka nadaaafad ahaan wanagsanayn iyo cuntooyinka suuqa .

Nadaafadda gacmaha ama falo-xalka oo aad u liidata.

Fayrus-yada ugu badan ee sabab shubanka iyo mantagga waxa ka mid ah :-

-Rotavirus.

-Norovirus.

Bakteriyooyinka iyaguna ku sababi kara qof in caabuqan uu ku dhaco waxa ka mid ah :-

-E.coli.

-Salmonella.

-Campylobacter.

Goobaha caafimaadka waxa aad ugu badan bakteriyada shigella , dadka caafimaadka ka shaqeeya iyo bukaanadoodaba waxa ay ku keeni kartaa caabuqan ku dhacaya uurku jirta.

Xaaladaha kale ee sababi kara waxa ka mid ah :-

-arsenic, cadmium, lead iyo mercury haddii ay biyaha ku milmaan waa ay keeni karaan .

-Haddii uu qofku uu isticmaalo tamaandho iyo furuut badan .

-Cuntooyinka badda iyaguna waa ay keeni karaan .

-Daawooyinka sida antibayotik-ga , dawooyinka caloosha lagu -dhaqaajiyo iyo daawooyinka kansarka iyo xanuunada fayraska.

KAFOGOW DURAYGA KU DHACA CALOOSHA.

Caruurta yar-yar.

-Ilmaha haddi aadku aragtid shuban, mantag iyo xumad fadlan si degdeg ah u gee goob caafimaad, hana u dirin dugsiga illaa uu ka soo kabanayo xaaladan.

-Haku eegan shubanka iyo mantagga ilmaha kayar 5 sanno sifudud uu u naf bixi karaa.

-Ilmaha ka yar 5 sanno fadlan haku siin guriga wax daawo ah fadlan goob caafimaad gee.

-Ufiirso xaaaladaha kale duwan ee ilmaha lasoo darsa inta xaaladdan ay jirto.

-Biyaha fadlan sii biyo nadiif ah.

-Nadafadda ilmaha ku dedaal.

-Xilliga naasnuujinta ilmaha yar ka maydh naaska , sidoo ka ka maydh masaasadda iyo weelka caanaha aad ku siisid.

-Nadafaddda gurigu waa halka caafimadku uu ka bilowdo ku dedaal nadaafadda guriga.

-Cuntooyinka hadha fadlan guriga ha ku daysan.

Dadka waaweyn:-

-Haddii uu leeyahay macaan ama dhiikar fadlan fuuqbaxa haku eegan .

-Hadii uu kaa qaadan karo biyo badan ama dareere fadlan sii.

Goob caafimaad hore ugee.

-Nadaafadda qof ahaaneed iyo ta gurigaba aad u ilaali.

Xigasho: Bogga Caafimaadka

Hadalsame Media