“Somalia markii ay xasili rabtaba meel laga xurbiyaa si ay xasaradi u kacdo!”

0

(Hadalsame) 27 Juun 2021 – NINKII DOOLIGA JAWAANKA KU SITAY.!! (WAA SHEEKO LAGU CABIRI KARO XAALADDA AAN KU JIRNO).
=====================================
Beri baa waxaa gaari ama baabuur isla soo raacay Nin oday ah oo beeraleey ah iyo Nin kale oo aqoonyahan ah oo Soomaali wada ah, ninka beeraleeyda ahi waxa uu wataa jawaan afka ka xiran oo u yaala lugihiisa hoostooda, ninka beeralayda ahi wuxuu ruxayaa oo isku qassayaa waxa jawaanka ku jira shan iyo tobankii daqiiqaba labo ama saddex jeer , ka dibna booskii uu u yaalay ayuu ku celinayaa.

Ninkii aqoonyahanka ahaa ayaa la yaabay waxa uu samaynayo Ninkan beeralayda ahi, wuxuuna waydiiyey waxa jawaanka ugu jiro?
-Ninkii beeralayda ahaa wuxuu ugu jawaabay sidan:

Jawaanka waxa iigu jira jiirar (doolliyaal) waxaana u wadaa xarun cilmi baaris lagu sameeyo oo waa ay iga gataan ama iga iibsadaan.

Aqoonyahankii ayaa waydiiyay mar labaad su’aal aheyd, maxaad markaad wax yar joogtaba Aad u ruxaysaa jawaanka?

Wuxuu ugu jawaabay odaygii, haddii aanan ruxin oo aanan isku dhex qasin waxay dareemayaan xassilooni iyo degenaan ka dibna waxay ku mashquulayaan in ay jawaanka duldulooliyaan si ay uga fakadaan ama uga baxsadaan, laakiin haddaan ruxo waxay dareemayaan qal-qal iyo inaan meesha xassilooniyi ka jirin oo waa is nabayaan iyaga ayaana isku mashquulaya kamana baxayaan jawaanka.!!

DULUCDA SHEEKADA:

Hadaad si fiican ugu fiirsato sheekadan, waxaa kuu soo baxeysa sida dalkeenna iyo dadkeenaba markii ay degenaan yar dareemaan (loo ruxayo jawaankii afka ka xirnaa ee aynu ku jirnay) oo laysugu kaaya dirayo, ama laysugu keen mashquulinayo, si aynaan marnaba u dareemin xasilooni aan uga fekeri karno sidii aan dhibaatada uga bixi laheyn..!!

SOOMAALIYEEY WAX FAHMA CADAWGEENU WAA NAGU MAQAN YAHAY INAGUNA WAA ISKU MAQAN NAHAY,WAANA KALA MAQAN NAHAY.!!

Hadii kale waxaad maanta bi’isaan,biri ha u shallaayina.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media

Mahadsanidiin/=