Nin mayd ah oo 6 saacadood dhex fadhiyey tareen magaalo (Taraam)

0

(Zurich) 24 Juun 2021 – Nin Mayd oo 6 saac ku safrayay Taraam.

Sheekadan ayaa maalintii Isniinta waxa ay ka dhacday Magaalada Zürich ee wadanka Switzerland.

Nin 64 jir ah oo u socday goobtiisa shaqada ayaa ku dhex dhintay tramka lambarkiisu yahay 2 ee ka shaqeeyo gudaha Magaalada Zürich.

Ninkan ayaa mudo Lix saac ah isagoo meyd ah ku fadhiyay kursiga Tramka.

Ugu danbeyn qof ka mid ah rakaabka tramka ayaa darawalkii ku war galiyay in xaalada ninkan uu eego.

Ninkaan ayaa 6-dii aroornimo soo raacay taraamka sida uu sheegay wiilkiisa waxaana la ogaaday in uu dhintay xili duhuradii ah.

Waxaa Diyaariyey: Cabdiqani Cali Dalmar

Hadalsame Media