Taageerayaal Faransiis ah oo ay arrin qosol badani ku qabsatay tartanka Euro 2020

0

(Bucharest) 24 Juun 2021 – 6 taageere oo Faransiis ah ayaa isku khalday magaalooyinka Budapest oo uu xulkoodu kula ciyaaray Hungary iyo Bucharest iyagoo sidaa ku aadey caasima Romania, halkii ay ka degi lahaayeen Hungary.

Faransiiska ayaa xalay 2-2 la galay Portugal oo ay isku wareeg F ku wada jireen Euro 2020, balse arrinta taageerayaashan qabsatay oo todobaadkii hore dhacday ayaa soo jiidatey saxaafadda.

Dadka ayaa la yaabban sababta ay taageerayaashani u kala fahmi waayey faqiga wayn ee u dhexeeya labadan dal ee deriska ah oo luuqad ahaan iyo af ahaanba aad u kala durugsan.

Taageerayaasha ayaan xitaa dareemin kala duwanaanta calamadooda iyo afka ay kula hadlayeen dadkii ay ku arkeen garoonka ay ka degeen.

Taageerayaashan ayaa ugu dambayn khaladkooda garaystay xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, iyagoo markii dambe TV-ga ka daawaday ciyaartii Hungary-France balse waxay iyagoo yaabban yiraahdeen: ′′ Waa inaannu Yurub wax ka barannaa”.

Hadalsame Media