Soomaalida qaarkeed oo meel ka dhacyo aan loo meel dayin ku haya fanaanadda Naada Al Qalca (Arag khaladaadka lagu hayo)

0

(Hadalsame) 23 Juun 2021 – Khaladaadka iyo dhacdhaca ay Soomaalida qaarkeed gabadhan Naada Al Qalcaa ku hayso.

1 – Wall-keeda waxaa comments anshax xumo ah ka dhiibta rag iyo dumar.

Raggu waxay kula hadlayaan kelmado xadgudub ah sida inaan “kula seexdo ayaan rabaa iwm”.

Haween iskood isu xilqaamay oo masayr jeebkooda ah iska camirtay baa sidoo kale inkaar iyo ilaaq kula kallaha subax kasta.

2 – Hadda waxaa Fb ka socota dood ay rag iyo dumarba wadaan oo la leeyahay “gabdhaha Soomaaliyeed baa ka qurxoon iyo waa is naashnaashtaa ma ahane waa eberkeed, sidii taayoo ay iyadu tiri “dumarka Soomaaliyeed baan ka qurxoon nahay.”

Waxaan xitaa arkayey BBC Somali oo soo qaadatay sheeko ay cinwaan uga dhigeen “Haweenka Suudaan oo is cayilintii is caddayn ku daray”, iyagoo soo qaatay sawirka Naada.

Halkaa waxaa ka cad inaan nahay bulsho howtal hamag ah oo iska socota, oo meel dalaq iska leh iyadoo aan xitaa iswaydiin sidee iyo sabab?

Yaan fikirno kaddibna falno, ee yaynaan fikirin marka aan falno kaddib.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media