Bad Turkiga ku taalla oo uu ogsijiinkii ku yaraaday kaddib markii uu weerar kusoo qaaday alje-badeed halis ah (Ogsijiin lagu shubayo)

0

(Istanbul) 23 Juun 2021 – Alje sidii axalka u samaysan oo loo yaqaan “sea snot,” ayaa halis ku haya noolaha badda Marmara Sea ee Turkiga, taasoo keentay inay dowladdu qaaddo tillaabo lagu badbaadinayo noolaha badda.

Turkiga ayaa shalay oo Talaado ah bilaabay in uu gunta badda ku bambeeyo ogsijiin gaaraya ilaa 30 mitir ama 98 cagood oo hoos ah, taasoo laga sameeynayo 5 meelood oo ay ku jirto Gacanka Kocaeli iyo xeebaha degmo Istanbul ku taal oo Pendik la yiraahdo.

Ujeedku waa in noolaha baddan oo aan si buuxda ugu furnayn badaha deriska la ah ee Badda Dhexe iyo Black Sea laga badbaadiyo inay ogsijiin la’aan u dhintaan, maadaama uu alje badeedkan oo uu keeno noole ili ma aragti ah (phytoplankton) uu yaraynayo igsijiinka ku milan badda ee ay qaataan kalluunka iyo makhluuq badeedka kale.

Dowladda ayaa bilowday qorshe lagu nadiifinayo xeebaha gobollada Istanbul, Kocaeli, Bursa, Balıkesir, Yalova, Çanakkale iyoTekirdağ, iyadoo qorshaynta la bilaabay 8-dii Juun.

Iyadoo qalab casri ah oo 8 todobaad la tijaabinayey loo adeegsan doono ogsiinaynta baddan, iyadoo haddii lagu guulaysto xeebaha, badda guud oo dhan la gaarsiin doono, sida uu sheegay Wasiirka Degaanka iyo Qorshaynta Magaalooyinka, Murat Kurum, oo la hadlay Anadolu Agency (AA).

Hadalsame Media