Jadwalka doorashada labada aqal ee Baarlamanka DF oo la helay (Waa goorma?)

0

(Muqdisho) 22 Juun 2021 – Warar Horudhac ah oo laga soo xigtay ilo muhiim ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay jadwalka doorashada Labada Aqal ee Baarlamanka oo noqonaya sidatan:

Juun 24 – July 7 (Tababar, habraaca doorashada, arimaha farsamo iyo jadwalka ).

Luulyo 7 – 20 July (Diyaar garoowga doorashada Aqalka Sare iyo diyaarinta goobaha doorashada Gollaha shacabka, iyo tababarida howlwadeenada.

Luulyo 23 – 30 July (Doorashada Aqalka Sare Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya).

5 Agoosto – 10 Sebtember (Doorashada Gollaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya).

10 Sebtember – 20 September (Xalinta khilaafadka).

25 Sebtember – Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.

Si kastaba, doorashada xubnaha Baarlamanka oo ka kooban 2 aqal ayaa muhim u ah doorashada guud maadaama ay iyagu dooranayaan Madaxwaynaha dalka.

Hadalsame Media