Masar oo xabsiyo dhaadheer ku xukuntay hablo Tik Tok anshax xumo ku faafinayey (Somalia oo…)

0

(Qaahira) 22 Juun 2021 – Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ayaa waxay laba gabdhood oo TikTok caan ka ah ku xukuntay xabsiyo dhaadheer kaddib markii lagu helay eedo la xiriiro dad tahriibin iyo dhaqan xumo.

Mawada al-Adham, 23-jir, waxaa lagu xukumay xasbi 6 sanadood ah, halka Haneen Hossam, 20-jir, waxaa gorodda loo geliyey 10 sano, waloow uu rafcaan u furan yahay. Waxaa sidoo kale middiiba laga doonayaa lacag dhan 200,000 oo giniga Masar ah ($12,700 oo doollar).

Labada gabdhood ayaa lagu eedeeyey inay “gabdhaha u adeegsanayeen qaabab lid ku ah mabaadii’da iyo dhaqanka suubban ee bulshada Masar si ay uga faa’iidaystaan”.

Waxaa kale oo lagu eedeeyey inay qaab ”dhiig miirad ah” u wajahayeen dadka saboolka ah iyagoo u ballan qaadaya inay lacago siinayaan iyo inay ka tirsan yihiin shabakado gaysta dembiyada abaabulan sida tahriibka dadka.

Ma aha markii ugu horreeysey iyagoo bishii Jannaayo ka baxsaday xukun ku saabsanaa inay ku tumanayaan dhaqanka suubban marka la eego waxyaabaha ay soo dhigaan TikTok iyo shabakadaha kale ee bulshada.

Adham ayaa ilaa 3 milyan ku leh TikTok, halka Hossam, ay leedahay wax ka badan hal milyan, waxayna soo dhigaan muuqaallo ay is ruxayaan ama ay uga sheekaynayaan sida lacag looga samayn karo bartan.

Dalka Somalia ayaa ka mid ah meelaha ay dhibaatada anshax xumada ihi ka taagan tahay hablaha halkaa koontooyinka ku leh ee sida xilka leh magaca ku raadinaya, iyadoo aanay jirin tillaabo laga qaaday mid dowladeed iyo mid bulshaba.

Hadalsame Media