MW Farmaajo & Ahuru Kenyatta oo hal meel iskaga ekaaday (Waa halkee?!)

0

(Hadalsame) 19 Juun 2021 – Madaxweynaha Kenya waxa uu dhawaan yiri: “Guulihii aan la gaaray Ruto waxaa ka badan kuwa aan Raila la gaaray!”

Ogow, Uhuru iyo Ruto waxa ay siyaasadda lammaane ku ahaayeen 2007 ilaa iyo 2018-kii.

Ruto waa tikidhkii Uhuru siiyey labada jeer ee uu kursiga hantay. La’aantii waxba ma noqdeen.

Labada jeer waxaa si adag ula loolamayey Raila Odinga, Ruto ayaa dhinac u riday oo dheelitirkii labadaas sidaas dhinaca wiilka Gikuyu da ah u ciiriyey!

2018, ayey heshiiyeen Uhuru iyo Ra’ila, wixii intaa ka dambeeyey, Ina Kenyatta waxa uu dibin daabyo iyo hagardaamo kala dhammaan waayey mataankiisii siyaasadda!!

Haddii aan moral xumada Uhuru la yaabi lahaa, waxaan goobjoog u ahaa MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xabbad la dhacaya Madaxweynihii siyaasadda soo galiyey, Madaxweynihii xilka ku wareejiyey iyo Ra’iisul Wasaarihii dhiigga iyo dheecaanka saddex sano iyo bar u shubay.

Maxaa diidaya in uu berri dhoho dhawrkii bilood ee RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa iga saameyn badnaa 10ka sano ee aan la wadaago saddexdaas nin ee kor ku xusan??

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media