Soomaalida meheradaha leh oo bilowday inay ka caga jiiddo shaqaalaysiinta Soomaalida kale + Sababta

0

(Hadalsame) 19 Juun 2021 – Hoteel Addis Ababa ku yaal oo Soomaali leedahay ayaan dhawr sano ka hor weydiiyey sababta ay shaqaalaha oo dhan, marka laga reebo maamulaha iyo labo lacagta qabata, uga dhigeen Xabashi. Waxay yiraahdeen Soomaaligu inuu dhawr shaqo (nadaafad, cunto geyn, shaah samayn, IWM) hal mushahar ku qabto ma oggola.

Shaqaalaha Xabashida ah ee hoteelku waxay gelin ka shaqeeyaan Intercontinental Hotel oo Addis ku yaal oo tababbar fiican siiyey gelinka kalena hoteelka Soomaalida ayey ka shaqeeyaan, mushahar aad u yarna waa ku qanacsan yihiin. Soomaaligu in cilmi hoteel iyo makhaayad looga shaqeeyo ka maqan yahayba ma rumaysna.

Tan kale waxay yiraahdeen bal u fiirso shaqaalaha Xabashida ah markay quraacda kuu keenaan way kaa dhaqaaqayaan oo meel gees ah ayey ku sugayaan ilaa dalab kale loo diro, laakiin Soomaaligu meshaad ka timi iyo hawsha aad magaalada u timi iyo “Kolley lahjaddaadaan garan oo …” ayuu kugu mashquulinayaa.

Weliba haddaad qaraabo noqotaan, waxa laga yaabaa inuu dibedda kuu yara raaco oo hawlihii aad Addis u timi kula soo xalliyo. Xabashidu meesha shaqo keliya ayey u joogaan.

Intaas waxay ku dareen in Soomaaligu safar iska yahay oo subax adoo shaqo ka sugayey uu Nairobi kaala soo hadlayo, waqtiga iyo saacadahana aanu wax sidaas u weyn ka soo qaadin oo 07:00 iyo 07:15 ay isku mid u yihiin haddii saacad uu maqnaa laga gooyana waa xanaaqayaa oo in wax gunnimo ah lagu kacay ayuu u qaadanayaa.

Waxay i xasuusiyeen nin London, Southall, makhaayad ku lahaa oo isagoo moos kuugu maqan hadduu maqlo miis siyaasiga reerkiisa wax looga sheegayo intuu ag fariisto jawaabta ay mudan yihiin siin jirey oo hadhow markaad baastadii dhammaysato mooskii oo fiiqan kuula soo ordi jirey.

Waxaa Qoray: Cabulqaadir Diiriye

Hadalsame Media