DAAWO: War ku saabsan sababta keentay wadne istaagga Eriksen oo la isku qabsaday (Mashiinkii lagu kiciyey wadnihiisa oo la jejebiyey)

0

(Copenhagen) 14 Juun 2021 – Kubad dhisaha Denmark ee Christian Eriksen, ayaa la xaqiijiyey inuu wadnuhu istaagey kulan bilowgii xulkiisa ee Euro 2020 ay kaga horjeedeen Finland, taasoo meesha ka saari karta inuu abid dib uga dheelo Serie A marka la eego Sharciga Talyaaniga oo aad ugu adag dhankaas.

Yeelkeede, waxaa soo baxay warar suuqa soo galay oo sheegaya in laacibka uu horay ugu dhacay cudurka Covid-19 taasoo ahayd su’aal uu aad uga dhiidhiyey Agaasimaha Guud ee Inter, Giuseppe Marotta oo la hadlay Rai Sport, sida uu qorayo Football Italia.

”Christian Eriksen kuma dhicin covid mana la tallaalin. Eriksen waxaa soo naaxiyey dhakhaatiirta Danish-ka markii uu suuxay,” ayuu yiri Giuseppe Marotta.

HALKA AY SARTU KA QURUNTEY?!

Danska TV2 ayaa faafiyey in asalka sheekadan uu Twitter kusoo qoray raadiyaha Talyaaniga ah ee Radio Sportiva kaasoo sheegay inuu howlwadeenka caafimaad ee Inter kasoo xigtey in Eriksen laga tallaalay cudurka karoonaha 31-kii Maajo.

”Warkaasi waa been abuur. Marna wax xog ah oo ku saabsan xaaladda Eriksen kamaynaan helin howlwadeenka caafimaad ee Inter. Tira Twitter-ka haddii kale waxaad nagu khasbaysaan inaan qaadno tillaabo sharci ah.” ayay ku gooddisey idaacadda Radio Sportiva oo warkaa kusoo qortay Twitter.

Twiter-kii asalka ahaa ayaa deeto la tiray.

Dhanka kale, kaamirada amaana ee CCTV ayaa qabatay 2 nin oo jejebinaya mashiinka wadnaha lagu kiciyo ee loo yaqaan Defibrillator-ka, ee loo adeegsadey in lagu kiciyo wadnaha Christian Eriksen oo 5 daqiiqo istaagey. Booliiska ayaa raadinaya labadan qof.

Defibrillator-ka oo wadnaha u dira maanso nidaamsan ayaa marka laga soo tago kicinta wadnaha, sidoo kale lagu saxaa garaaca wadnaha ee kala dheer dheer, isu dhow amaba gaabiska ah.

Hadalsame Media