”Waxaa diley waalidkeed, walaaleheed & adeerkeed!” – Qiso xanuun badan oo ku saabsan Gabar Pakistani ah oo Talyaaniga lagu diley & sabab yaab leh (Muuqaalka CCTV oo muujinaya qorshaha naxdinta badan)

0

(Reggio Emilia) 14 Juun 2021 – Booliiska Talyaaniga ayaa baadigoobaya qoyska iyo qaraabada gabar Pakistani ah oo ay qabaan in ceego lagu diley sababo la xiriira waxa loo yaqaan ”dilka sharafta.”

Saman Abbas, 18-jir, ayaa maqnayd tan iyo 1-dii Maajo, markaasoo ugu dambayntii lagu arkay iyadoo joogta meel u dhow beer uu aabeheed, Shabbar, 46-jir, ka shaqaynayey oo u dhow magaalada Reggio Emilia, bartamaha Talyaaniga.

Booliiska ayaa sheegay in Shabbar uu dilka Saman la qorsheeyey hooyadeed Nazia Shaheen, 47-jir, adeerkeed Hasnain Danish, 33-jir, ina adeerradeed Nomanulhaq Nomanulahq iyo Ijaz Ikram, 33-jir iyo 28-jir, si gabadha loo khaarajiyo kaddib loogu aaso beerta gadaasheeda kahor inta aysan dalka la cararin.

Baarayaasha dembigan ayaa sheegay in ay qoysku waxan oo idil u sameeyeen kaddib markii ay Saman diiddey in lagu diro wiil ay ilma adeer yihiin oo Pakistan ku nool, iyadoo u sheegtay inay Talyaaniga saaxiib ku leedahay oo ay doonayso ”hab-nololeedka Galbeedka.”

Ijaz ayaa haatan lagusoo celiyey Talyaaniga kaddib markii ay qabteen Booliiska Faransiisku, halka Shabbar iyo Nazia ay ku maqan yihiin Pakistan iyagoo dafirsan inay dileen gabadhooda. Waxaan se wacaalkooda la haynin Hasnain – oo ah aabaha mu’aamaradda – iyo Nomanulhaq.

SIDA AY WAX U DHECEEN? Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in kiiskani u noqonayo dayrtii sanadkii tegey, markii ay qoysku isku dayeen inay Saman geliyaan guur abaabulan, markaasoo ay ka carartay guriga reerka iyadoo social-ka la noolayd tan iyo Oktoobar, balse waxay guryo noqotay 11-kii Abriil ee sanadkan 2021, si ay usoo qaadato dokumentiyadeeda gaarka ah, waloow aan la fahmin sababta ay ugu baahatay.

Booliiska ayaa intaa raachsey in 26-kii Abriil ay qoysku bilaabeen diyaarinta khaarajinteeda. Waana markii uu Hasnain uu waalidkeed u jaray tigidho ay dib ugu duulayaan Pakistan.

Deeto, fiidkii 29-kii Abriil, kaamarada CCTV ayaa qabatay 3 nin oo ay booliisku ku kala sheegeen Hasnain, Nomanulhaq iyo Ijaz oo u sii socda dhul bannaan oo ka dambeeya beerta uu aabeheed ka shaqaynayey qiyaastii 7.30pm. Waxay siteen 2 badeel, baaldi iyo boorso buluug ah, iyagoo maqnaa 2 saacadood kahor intaysan soo noqonin.

Saman lafteeda ayaa la sheegay in dhegadhegeysey qoyska oo ka sheekaysanaya sidii loo dili lahaa, taasoo ay xitaa saaxiibkeed ku wargelisey, kaasoo Gazzetta di Reggio Emiliano u sheegay inay u soo dirtay qoraal ay ku sheegayso inay maqashay adeerkeed oo leh ”xalka qura ee jiraa waa dil haddii ay gabdhuhu dhinac maraan dhaqanka adag ee Pakistan.”

Booliiska ayaa sheegay in muuqaal kale CCTV ah – oo aysan faafin – uu muujinayo waalidiinta Shabbar iyo Nazia oo gabadhooda usii wada dhulka beerka ka dambeeya 12:09 daqiiqo saqda dhexe 1dii Maajo.

Waxay soo laabteen 13 daqiiqadood kaddib iyadoo uu aabeheed wado boorso garab qaad ah oo ay gabadhiisu sidatey, iyadoo ay u egtahay in lagu khiyaanay in la fasaxayo, balse ay Booliisku aaminsan yihiin in beerta loogu geeyey adeerkeed iyo ilma adeerradeed si ay u ceejiyaan oo ay beerta ugu dhex aasaan.

Kaddib qoyska ayaa guriga ka tegey – Shabbas iyo Nazia waxay u bexeen Pakistan, iyagoo dadka dersaanta ah u sheegaya inay qaraabo booqanayaan, halka Ijaz uu Yurub aadey.

Markii ay booliisku waceen xaafadda 5tii Maajo, waxaa guriga joogey adeer Hasnain iyo wiil Saman la dhashay oo 16-jir ah, kuwaasoo u sheegay in qoysku ay u dhoofeen Pakistan si ay u booqdaan qof buka, sida uu qorayo Corriere, kaddibna waa dhuunteen, balse 9-kii Maajo waxaa lagu qabtay xadka Faransiiska maadaama uusan wiilku wadanin warqado aqoonsi ah.

Hasnain ayaa lasii daayey iyadoo wiilka la daayey, balse wiilka ayaa u sheegay in Hasnain uu yahay nin dilka dhanba qorsheeyey, isla markaana uu yahay ninka gabadha ceejagada ku diley- ”Qoyska dhami waa ka cabsanayeen adeer Hasnain.” ayuu yiri, isagoo sheegay inuu muranka maqlayey habeenkii gabadha la diley iyadoo uu kaddib guriga kusoo laabtay aabbaha oo ilmaynaya.

Booliiska ayaa sidoo kale helay telefoon uu Hasnain ka diray farriin ku socotey qof saaxiib ah oo u dhignayd: ‘howshii si fiican baa loo qabtay.’ Booliiska oo sheegay in ay taasi tahay farriin muujinaysa inay dilka ku keceen ayaa haatan barwo u jaray qoyska iyo adeerka oo loo haysto dil iyo qarin mayd.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media