Hal su’aal oo muhim ah oo kasoo noqotay ciidankii Xasan Sheekh rasaaseeyey (Waa maxay?)

0

(Muqdisho) 04 Juun 2021 – Waxaa dorraad magaalada Muqdisho lagu xabbadeeyey Madaxwaynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud kaddib markii ay is fahmi waayeen ilaaladiisa iyo ciidamo jidka joogey.

Taliyaha Ciidanka Xabsiyada Ilaaliya ee Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa markiiba hadlay isagoo markii hore u muuqdey nin xaaladda dejinaya isla markaana khalad dhacay iyo kala shaki ku sifeeyey waxa dhacay, isagoo raalli gelin u diray MW hore.

Yeelkeede, mar kale ayuu Taliye Mahad oo ah nin aan inta badan aad uga taxadarin hadalladiisa isla markaana aan xirfad badan muujinin, wuxuu khaladkii saaray ilaalada Xasan Sheekh oo uu sheegay inay iyagu rasaasta bilaabeen, markaana ay khasab tahay in iyagana la rasaaseeyo.

Marka laga soo tago dhaqankan ku cusub siyaasadda dalka ee qar iska tuurka iyo qaalin buubnimadu ka muuqdaan ee aan ku habboonayn qaran jabay kabkiisa, misna waxay dad badani haatan is waydiinayaan waxa ay Ciidanka Asluubtu jidka ka dhex qabanayaan, maadaama ay howshoodu tahay ilaalinta xabsiyada?

Dad aqoon u leh arrimaha amaanka ayaa tilmaamaya in marka horeba loo baahan yahay in la kala nidaamiyo howlaha ciidamada ee isku filiqsan, iyadoo tusaale ahaan ay horayna u dhacday in ciidamo komaandoos ah lasoo dhigo bartamaha magaalada si ay u joojiyaan dibedbaxyo dhici lahaa.

Caadiyan howlaha amniga ee magaalooyinka dhexdooda waxaa u xil saaran ciidanka booliiska caadiga ah oo khibrad u leh la macaamilka dadka jidka maraya maadaama loo carbiyey, halka askari Asluub ah la baray sida loola xaalo qof maxbuus ah.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media