Ruushka oo kaydkiisa qaran ka qubaya doollarka & magacyada dalalka cusub ee uu lacagohooda u wareegayo

0

(Moscow) 04 Juun 2021 – Ruushka ayaa doonaya inuu gebi ahaanba doollarka ka saaro Sanduuqa Kaydka Qaran (NWF) ee dalkaasi, isagoo u weecanaya dhanka lacagaha euro, yuan-ka Shiinaha iyo dahabka.

Wasiirka Maaliyadda Ruushanka, Anton Siluanov, ayaa xalay ku dhawaaqay in tillaabadaasi aanay daahi doonin oo ay ku hirgelayso isla muddo bil gudeheed ah.

Hay’adda NWF oo kaydisa dakhliga Ruushka kasoo gala gaaska iyo saliidda balse asal ahaan loo asaasay inay la xaasho arrimaha dadka howlgabka ah iyo maaliyaddooda, ayaa bishii Maajo ee iminka dhamaatay waxaa taalley adduun dhan $185.9 bilyan oo doollar, halka kaydka dahabka Ruushku uu bishii Maajo ahaa $600.9 bilyan oo doollar.

Isbeddelkan cusub ayaa se keeni doona in uu Ruushku u kala qaybiyo boqolleeyda kaydkan: 40% euro, 30% yuan iyo 20% dahab ah. Inta soo hartay waxay kala noqon doonaan yen-ka Japanese-ka iyo geniga Britain oo min 5% ah.

Ruushka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu sanadkii 400 bilyan oo ruble uu ka isticmaali doono NWF si uu ugu adeegsado mashaariicda kaabayaasha ah iyo istaraatijiyadaha horumarineed.

Hadalsame Media