Dalka UK oo saraakiishii ugu badnayd u furay koorso saraakiisha Xoogga lagu barayo xirfado ay ka mid yihiin taatikada dagaalka + Sawirro

0

(Baydhabo) 02 Juun 2021 – Waxaa Somalia ka soconaya dedaallada lagu diyaarinayo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa kale ee amaanka oo uu qorshuhu yahay inay marka dambe la wareegaan mas’uuliyadda amaanka dalka.

Dalal kala duwan ayaa haddaba wada howlahaa tababarka Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ee SNA, waxaana dalalkaa ugu horreeya dalka Turkiga oo si aad ah ugu hagar baxa Somalia, waloow ay caqabad tahay siyaasadda ma gudubtada ah ee Soomaalida iyo cunaqabataynta hubka ee Somalia saaran oo taa ku xiran.

Haatan dalka Ingiriiska oo xero ciidan oo lagu tababaro saraakiisha Somalia ka furay Baydhabo, KG Somalia, ayaa haatan wuxuu tababar u furay ilaa 100 sarkaal oo ka tirsan Xoogga Dalka.

Saraakiishan ayaa la siinayaa koorso deg deg ah waxaana la barayaa diyaarinta howlgallada, taliska iyo xukunka, taatikada dagaalka, isgaarsiinta iyo xuquuqul insaanka – si sare loogu qaado kartida ay kula dagaallami karaan cadowga gudaha iyo kan dibedda.

Waa qaar ka mid ah koorsooyinkii ugu ballaarnaa marka la eego tirada inta sarkaal ee tababarkan loo furay.

Hadalsame Media