QM oo digniintii ugu dambaysey u dirtay dalal ay Somalia ku jirto (Arrin ceeb ah oo lagu haysto)

0

(New York) 03 Juun 2021 – Dalka Somalia ayaa qarka u saaran inay wayso qiyamka codaynta QM kaddib markii ay bixin waydey qaaraankii lagu lahaa taasoo galaafan karta xuquuqdeeda cod-bixineed, sida lagu faafiyey AP.

Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa lagu hagaajiyey Volkan Bozkir oo ah Madaxweynaha golaha loo dhan-yahay ee Qaramada Midoobay, waxayna ku saabsan tahay dalalka Somalia, Iran, Central African Republic, Comoros iyo Sao Tome.

Md Guterres ayaa warqaddiisa ku sheegay in dalalkaasi ay waayi doonaan qiyamka codayneed haddii aanay bixin kharashaadka qaaraanka ah ee muddada lagu leeyahay, sida ku cad Qodobka 19-aad ee QM.

Tusaale, dalkeenna Somalia ayaa laga doonayaa lacag gaareysa illaa $1,443,640, taasoo ay bixinteeda uga xirnaan doonto inay dib u hesho qiyamka codayneed wixii loo gaaro bisha Sebtembar ee sanadkan.

Sida ku qaraarkii 75/2 13-kii Oktoobar 2020, wuxuu Golaha Guud ee QM u saamaxey dalalka Comoros, Sao Tome and Principe, iyo Somalia inay ka codayn karaan ilaa dhamaadka Kal-fadhiga 75-aad.

Arrintan ayaa hoos u dhigaysa qiyamka guud ee Somalia oo u muuqanaysa dal ku fashilmay bixinta lacag aan dhamayn 2 milyan oo doollar, tiiyoo malaayiin lagu bixiyo dhabar ka taabashooyin siyaasadeed iyo mooshinno aanay marna ku jirin danta dalku.

Hadalsame Media