Guurkeeda wuxuu ka doortay geeri: Qiso qamuunyo leh oo si dhab ah u dhacday

0
(Hadalsame) 31 Maajo 2021 – Hooyadeey Alaha u naxariistee ayaa iiga sheekeysey yaraateydii qiso dhab ah oo iIaa hadda aan hilmaamin waxaana goostey in aan bulshada maanta la qaybsado ama la wadaago, waxay ka dhacdey baadiyaha Cadaado.
Reer ay deris ahaayeen hooyadeey ayaa wiilkooda waxay u sheegeen in beri loo aqal geynayo Ina hablaayo, markaasuu hooyadii iyo aabihii wiilkii wuxuu ku yiri “gabadhaas maad iga dhaaftaan” “Maya Anaga ayaa kuu doorney ee beri diyaargarow”.

Waxaa uu ku yiri labadiisii waaliid “Hooyo iyo aabbe intaan guursan lahaa Gabadhaas waxaan ka xigaa Qabri” Aabbe ayaa soo boodey oo wiilkii ku yiri “Maxaa isku inkaareysaa gabadhaas quruxda badan oo qoys wanaagsan ka soo jeedda baan kuugu darney.”

Hooyo Iyo aabbe Waxay ku Jiraan diyaargarow waxayna bilaabeen in loo digo bulshada deegaanka, dhinaca kale wiilka waxaa ka muuqda muruqo iyo walbahaar waxaana uu ku celceliyaa “ heblaayo guurgeeda qabri baan ka xigaa.”

Waxay saacadu is gurto waxaa la gaarey habeenkii ay berri ku beegnayd maalintii arooskiisa. Waxaa la soo diyaariyey hal Ameer ah si bulshada beri ugu baashaalaan arooskana uu deegaanka uga noqdo mid la xusuusto oo muddo laga sheekeeyo
Hase yeeshee, wiilkii ayaa markey ahayd Saacadu ahayd 10-kii fiidnimo waxaa ku soo boodey qandho, waxay hooyada iyo aabaha wiilkii ku yiraahdeen “Qandhada haysaa waa mid fuleynimo ah” waxaa loo soo diyaariyey dharkii hidaha iyo dhaqanka ee uu berri ku aroos geli lahaa, welibana waxa loo dhisey aqal aad u weyn oo wax waliba loo dhigey.

Qandhadii baa ku siyaaddey hase yeeshee markii la gaarey lix saac habeeninmo ayaa wiilkii arooska ahaa ayey naftu ka baxdey, waxaa gurigii ka baxay baroor, waxaana aabihii iyo hooyadii la soo dersey muruqo waxayba yiraahdeen “Ilaah baa u aqbaley baryadiisii.”

Waxaa bulshadii ku dhaqaneyd degaanka oo sugayey farxadii arooska in gurigii u yimaadaan tacsi iyo u diyaargarowga aaska iyo in hooyadii aabihii la weydiiyo wiilkooda waxa ku dhacay iyo sababta uu u geeriyoodey, balse hooyadii iyo aabbihii aamusnaan baa ka soo hartey iyo murugo.

Waxaana Xoolihii loo diyaariyey arooska iyo farxadii bulshada deegaanka isku bedeleen tacsi iyo Alla bari, waxaana gurigii soo buux dhaafiyey dad fara badan oo ay qaarkood meel fog fog ka yimaadeen.

Sidoo kale qoyskii gabadhu ka dhalatey ayaa iyana waxay fajiciso ku noqotey geerida deg degga ah ee ku timid wiilka.

Waxaa Qoray: Amiin Y Khasaaro

Hadalsme Media