”Lama samayn karo magacaabis & xil ka qaadis aanan ogayn!” – Warqad uu RW Rooble soo saaray oo hadda la helay! (Danta ku jirta)

0

(Muqdisho) 31 Maajo 2021 – Warqad rasmi ah oo laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 26-kii bishan Maajo ayaa waxaa ku dhigan awaamiir cusub oo la siinayo hay’aadka XF.

Waxaa qoraalka ku xusan in aanay hay’aadkaasi, gaar ahaan Wasaaraduhu gaari karin ama aysan faafin karin go’aan cusub oo aan ogolaansho looga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

”Arrintani waxay fududaynaysaa wada shaqaynta iyo isla xisaabtanka laamaha dowladda, si aan loo qaadanin go’aamo saamayn ku yeelan kara siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha dalka, isla markaana aanay dhicin ku takri-fal awoodeed.” ayaa ku qoran warqadda.

Arrintan ayaa la fahamsan yahay in looga gol leeyahay in Wasiirradu aanay xilligan samaynin magacaabis iyo xilal ka qaadis daneed, maadaama lagu jiro xilli kala guur ah oo fursado iyo magac la raadinayo.

Hadalsame Media