XOG: Madaxtooyada oo Isbeddel maamul ku samayn karta Wasaaradda Warfaafinta & muran ka dhalan kara (RW Rooble oo…)

0

(Muqdisho) 30 Maajo 2021 – Sida laga helayo ilo wargal ah oo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia iyo Wasaaradda Warfaafinta DF Somalia, MW Farmaajo ayaa la sheegayaa inuu doonayo in isbeddel idaari ah lagu sameeyo Wasaaradda Warfaafinta.

MW Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Wasiirka Warfaafinta, Md Cusmaan Dubbe, uu faro fulinta isbeddel deg deg ah oo lagu sameeynayo agaasinka Wasaaradda Warfaafinta DF Somalia.

Tillaabadan oo ay dhici karto in berri oo Isniin ahba lagu dhaqaaqo, waxaa miiska saaran in lala kaco Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, waxaa sidoo kale raaci karo agaasime waaxeedyada qaybaha TV-ga Qaranka, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka SONNA, haddii ay run noqdaan xogahan la helayaa.

Lama hubo inay arrintani salka ku hayso sidii yara ka hufnayd ee ay beryihihii dambe wax u tebineysey Warbaahinta Qaranku marka ay timaado wajihitaanka kooxaha mucaaradka ah iyadoo awal ku hadli jirtey codka DF Somalia oo qura, waloow ay ku magacaaban tahay ”Warbaahin Qaran.”

Arrintan ayaa ka hor imanaysa go’aan uu soo saaray RW Rooble oo dhigaya in aan Agaasinka Guud aan waxba laga bedeli karin.

Kooxaha mucaaradka ayaa sidoo kale dood ka keeni doona haddii ay dhacdo in xilligan wax laga bedelo arrimaha Wasaaradda, gaar ahaan jeer ay soo dhow dahay in la bilaabo ololihii doorashada, isla markaana Madaxwaynaha laga doonayo in aanu dan gaar ah u adeegsanin Warbaahinta Umadda.

Hadalsame Media