Maraykanka oo qirtay inuu ku fashilmay qabashada gantaal istaraatiji ah xilli uu daawanayo Sirdoonka Ruushku (Halka uu fashilkani ka dhacay)

0

(Hawaii) 30 Maajo 2021 – Maraykanka ayaa sheegay in markabka Aegis uu ridey 2 gantaal oo ah nooca gantaalaha qabta ee SM-6, balse midkoodna kuma guulaysan inuu qabto gantaalo baalistic ah oo riddada dhexe ah oo loo asteeyey inay qabtaan, jeer uu weliba si dhow ula socdey markab sirdoon oo ay Ruushku leeyihiin.

“Ujeedku wuxuu ahaa in markabka Aegis uu arko, raadiyo kaddibna uu burburiyo gantaalahan baalistigga ah,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay US Missile Defense Agency oo war kooban soo saartay.

Saraakiisha Maraykanka ee daafaca cirka ayaa haatan ku laabtay qolka kaarta dejinta si ay “si xeel dheer dib ugu eegaan sababta dhibkan keentay iyagoo natiijada falanqayn doona.”

Labada gantaal ee SM-6 Dual II ayaa la tijaabiyey shalaytoole 29-kii Maajo, iyadoo ay gacan ka gaysteen Ciidanka Badda Maraykanka.

Yeelkeede, Pentagon ma aanu cayimin meesha ay tijaabadani ka dhacday, balse sida lagu qoray Maui Now oo soo xiganaya saraakiil ciidan, waxay tijaabadani ka dhacday meel ku taalla woqooyi galbeed Hawaii.

Raxanta Badda Baasifigga ee Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in “ay ka war qabaan oo ay isha ku hayaan markabka Ruushanka ee jooga meel u dhow biyaha Hawaii,” sida uu sheegay Afhayeenka Raxanta Kabtan John Gay oo la hadlay Machadka Ciidanka Badda ee United States Naval Institute (USNI).

Hadalsame Media