DAAWO: Duqii Magaalada Gothenburg oo hadda qashinka ka ururisa magaaladii ay mar xukumi jirtey (Sababta oo ay ka hadashay)

0

(Gothenburg) 29 Maajo 2021 – Duqii hore ee Magaalada Gothenburg, caasimadda 2-aad ee dalka Sweden ayaa haatan wadda gaari qashinka ka gura magaalada oo ay leedahay shirkadda dadwayne ee Renova, oo ay leedahay degmadii ay mar ka talin jirtey, iyadoo wadda taraag Volvo ah oo koronto ku shaqeeya oo lagu sameeyey isla magaalada.

Halkan ka DAAWO….

“Dadku waxay mar mar i waydiiyaan maxaad baase meeshan ka qabanaysaa? Balse anigu xal baan u arkaa waayo waa inaan kirada iska bixiyaa.” ayay si deggan u tiri Ann-Sofie Hermansson oo ah siyaasi ka tirsan Xisbiga Social Democrats.

Hermansson oo horay la taliye Wasiir uga noqotay Dowladda Dhexe ee Stockholm, markii dambena Gothenburg xukumi jirtey, waxaa xooray Xisbigeeda Social Democrats kaddib markii ay ku fashilantay doorashadii 2018-kii.

Yeelkeede, tiiyoo ay weli haysato fursado iyo shabakado ay ku heli karto shaqooyin laga bixiyo mushaharooyin qaali ah iyo xafiisyo muraayad ah, waxay guddoonsatey inay waddo gaari qashin qaad ah iyadoo ka faa’iidaysanaysa laysinka loo yaqaan C-Körkort oo looga baahan yahay qofkii wadaya gaarigan oo ay qaadatay markii yarayd, sidaasoo uu aabeheed kula taliyey xilligaas, sida ay tiri.

Waxay meelaha qashinka lagu ururiyo ka jiiddaa caagagga lugaha yar yar ee qashinka looga geddiyo gaariga ay waddo, iyadoo sheegtay inay dadku aqoonsadaan, balse ay jirto sabab ay haatan u faraxan tahay.

“Ugu yaraan dadku hadda iima caraysna, taasi waxay i gelinaysaa farxad maadaama aanan siyaasi ahayn.” ayay ku doodday Ann-Sofie Hermansson.

Ann-Sofie Hermansson waxay ku dhalatay Tjörn, oo ah jasiirad ku taalla woqooyiga Gothenburg, 1964-kii, waxaana warkeeda haatan wad wada warbaahinta caalamka oo idil, iyagoo tusaale ka dhigaya qiyamka, hogashada qofeed iyo shakhsiyaddeeda sahlan oo ay tusaale uga dhigayaan madaxda hunguriga iyo musuqa badan ee dunida guud ahaan, gaar ahaan midda farsamo ahaan faqriga ah ee 3-aad.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by BBC NEWS فارسی (@bbcpersian)

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media