Turkiga oo dayuurad uu sameeyey ku rakibay qalab kala sheegaya cadowga & saaxiibka + Sawirro

0

(Ankara) 29 Maajo 2021 – Dayuuradaha Turkey sameega ah ee qumaatiga ah ee T129 ee ATAK, ayaa haatan lagu rakibay agabka loo yaqaan IFF ee kala sheega nacabka iyo nasteexa, kaasoo ay samaysay shirkadda Turkiga ah ee agabka gaashaandhigga ee Aselsan.

Qalabkan Aselsan samaysay ee IFF Mod 5/S Transponder ee lagu xirey T129 ATAK helicopter ayaa tijaabadiisa si wayn loogu guulaystey, waxaana lagu wada rakibayaa dayuuradaha ATAK oo ay samaysay shirkadda Turkish Aerospace Industries (TAI).

Qalabkan ayaa horay loogu adeegsanayey dayuuradaha qumaatiga u kaca, kuwa caadiga ah, daroonnada (UAVs) iyo maraakiibta, iyadoo ay ciidamada NATO haatan u wareegayaan qalabkan IFF Mod 5/S.

IFF oo ah raadaar gaar ah wuxuu sheegi karaa farqiga u dhexeeya ciidamada cadowga iyo kuwa saaxiibka ah, iyadoo dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee Turkish-ka loogu xirey dayuuradaha F-16 Block 30-TM horraantii 2020.

Aselsan ayaa samaysa isgaarsiinta ciidamada iyo rayidka, raadaarrada, hannaanka dagaal danabeedka, daafaca, hubka, agabka talisyada ciidanka iyo kuwa hagitaanka.

Hadalsame Media